Daawo Musharaxa madaxweyne ku Xigeenka Xisbiga Waddani soo Safar Yimid UK Si Diirana Loogu Soo Dhaweeyay + Ogaysiis Xaflada Wadanni 04/04/2018

: Musharax madaxweyne ku Xigeenka Xisbiga Waddani soo Safar Yimid UK

 IMG-20180401-WA0041

Waxa maalintii Sabtidii ee 31st March 2018 ka soo degay gegada diyaaradaha ee Heathrow Airport ee dalka United Kingdom (UK) Musharaxa jagada Madaxweyne ku Xigeenka ee Xisbiga Mucaarada ka ah ee Waddani Mudane Maxamed Cali Aw-Cabdi oo Saraf gaaban ku yimi dalkan UK. 

 IMG-20180401-WA0047

Waxa halkaas ku si diiran ugu soo dhaweeyay masuuliyiin isugu jira gudiga fulinta ee Xisbiga Waddani UK, madaxda qaarada Yurub, madax kale oo xilal heer qaran ah ka haya Xisbiga Waddani iyo taageerayaal, kuwaas oo ay horgaaminayeen Gudoomiyayasha Waddani UK Mudane Maxamed Cali iyo Gudoomiyaha qaarada Yurub Cabdiqaadir Cukaashe. 

 IMG-20180401-WA0050

Musharax Maxamed Cali Aw-Cabdi oo hadal kooban u jeediyay masuuliyiintii iyo taageerayaashii madaarka Heathrow ku soo dhaweeyay ayaa si guud mar ah uga xog waramay xaalada guud ee Jamahuuriyada Somaliland. Waxana uu sheegay in hada dalka ay ka jirto Abaar baahsan, waqtigii Roobka Gugana Illaahay aynu ka baryano unuu dalkeena u wada shubo. 

 IMG-20180401-WA0048

Waxa kale oo xog warankii Musharax Maxamed Cali Aw-Cabdi ka mid ahayd in ay dalka abarta u weheliyaan maamul xumo, musuqmaasuq iyo sicir barar ba’an oo ragaadiyay dalka, kaas oo ay xukumadihii Kulmiye sababna u ahaayeen una caal waayeen xalintiisa, isla markaasna ay xalkiisa u mareen meel aanay dawadiisu ku jirin. Musharaxa oo safar dheer soo galay ayaa masuuliyinta Xisbiga iyo tageerayaashaba uga cudur daartay kelmadahaas kooban, waxana uu balan qaaday in sida ugu dhakhsaha badan uu kulan balaadhan ugu warami doono dhammaan masuuliyiinta Waddani UK, Masuuliyiinta Laamaha WaddaniUK iyo Taageerayaasha Xisbiga Waddani ee degan dalka UK ba.

IMG-20180401-WA0049

Sidaa darteed, waxa ay guddida fulinta Waddani UK soo qaban qaabiyeen shir balaadhan oo ay dhammaan Masuuliyiinta xisbiga Waddani UK Masuuliyiinta Laamaha Waddani UK iyo Taageerayaashuba ka soo qayb geli doonaan.

Masuuliyiinta heer qaran ee Xisbiga Waddani ee shirka ka soo qayb geli doona waxa ka mid ah:

1.   Mudane Maxamed Cali Aw-Cabdi -Musharaxa Madaxweyne ku xigeen ee Xisbiga Waddani

2.   Xildhibaan Cabdulqaadir Xaaji Ismaaciil Jirde – Gudoomiyaha Ku meel gaadhka ah ee Xisbiga Wadani

3.   Mudane Xasan Muuse Khaliif –  XoghayahaTignoolajiyadda Iyo Sayniska ee Xisbiga Waddani

4.   Mudane Xuseen Aadan-Cade – Gudoomiyaha Gobolka Maroodi-Jeex ee Xisbiga Waddani

5. Gudoomiyaha Xisbiga Waddani Uk
Mudane Mohamed Ali

.   Iyo Masuuliyiin kale

Shirku waxa uu ka dhici doonaa:

Zaman Lounge (Nomad Restaurant)

163 Goldhawk Rd, Hammersmith, London W12 8EN

Date: 7th April 2018

Time: 7PM

Mataan M Cumar 

Xoghaye ku Xigeenka warbaahinta Waddani UK 

IMG-20180401-WA0041

Salaan Media London
WARIYE Adnan Abdi Sahardid