KULANKII SAFIIRKA EE LAGU KHASAARAY.APRIL.17.18

KULANKII SAFIIRKA EE LAGU KHASAARAY.APRIL.17.18

MAQAAL
FRUSTRATED & DISAPPONTED MEETING GOT TO SHARE WITH ALL SLANDERS.
Last nigth meeting with HM Ambassador, David Concar, Rosie Tapper from UK somaliland office.

Amb David oo ku magacaaban Safiirka Uk u fadhiya Somalia, muu aheyn Nin qadiyada Slandba daneynaya wuxuu toos noogu sheegey in aan Ictiraaf aad loogala hadli karin, inkastoo aanu ku daqiiqney. Ingiriiska oo aynu ku naaloonaana aanu inala mawqif aheyn xaga ictiraaf raadinta.

Madax xanuunkaa xaley nagu dhacey oo dhan waxa masuuliyadiisa leh Xukuumadaha kulmiye ee iska danbeeyey oo aan qadiyada Ictiraafka muhiimada kow’aad siinin. Britishka iyo beesha caalamkana kala hadla dhaqaale loo kala dheereyo. SHAME KULMIYE PARTY.

Gabadha Safiirka dhinac fadhida Waa Wakiilka Hargeysa u fadhiya. Wax allah waxey ku kordhin karto Ictiraaf raadin ma jirto. Waxa aad uga muuqatey inaaney dhaafin huteelada lagu qaybsado lacagta SDF ee Europeanku bixiyo. Waxaan aad uga damqadey in aan su’aalaha la weydiiyey qaarkood ka fahmey in Waddanka intiisa badan aaney u heysan Safe oo aan la tagi karin.

Si kastaba ha noqotee. Qof waliba waxa lagula macaamilaa halka uu isdhigo. Xaleyna waxaa si weyn noogu cadaatey muxaafid iyo mucaaridba in xukuumaddeena Siyaasada Arimaha debedu aad u qaloocantey.lana toosin karin ilaa Kulmiye xukunka laga riixo waayo Kulmiye waa dhaqaale raadis oo uma jeedaan iney Sland Ictiraaf aduunka ka hesho. Haabkeedna ma hayaan.

Xusid waxa mudan Mucaaridka Waddani oo Safiirka u sheegey sida hada dadka Sland ugu kala qaybsamey iyo Safiirka oo aad uga garaabey.

Tvgga qaranka oo madasha nagu weheliyey koley war kan ka duwan iyo Nimco ayaa fadhida ayuu idinla wadaagi ee dhegaha ka fureysta.

Amb Ayan Mahamoud Safiir Ku Mahadsanid inaad madasha ku soo casuuntey muxaafid & mucaaridba.

Xigasho Keyse Liban