Wasiirka Arimaha Debeda Oo Ka Hadlay Wararka Ku Saabsan In Ruushku Somaliland U Soo Diray Dalab Ah Inuu Saldhig Mulatari Ka Samaysto Saylac

Hargaysa (Salaanmedia.com)_ Xukuumadda Somaliland ayaa markii u horaysay ka hadashay warar lagu baahiyay mareegaha Internetka oo laga leeyahay dalal shisheeye iyo weliba qaybo ka mid ah warbaahinta maxaliga ah ee Somaliland oo ku saabsanaa in dalka Ruushku uu xidhiidh la soo sameeyay Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi oo uu ka dalbaday in Ruushku saldhig milatari ka samaysto magaalada Saylac ee Somaliland.

thumbs (5)

Warbixinahaas ayaa lagu soo bandhigay qoraalo aan sumad lahayn oo ku qoran luuqadda Ingiriisida oo lagu sheegayo kuwo ay is dhaafsadeen dawladaha Somaliland iyo Ruushka, kuwaas oo uu nuxurkoodu ahaa in Ruushku Somaliland ka dalbaday in saldhig milatari laga siiyo deegaanka Saylac, taas bedelkeedna uu Ruushku Somaliland ka caawin doono dhinacyo badan oo uu ugu horeeyo aqoonsiga Somaliland. Hase yeeshee wasiirka arrimaha dibadda iyo iskaashiga caalamiga ah Dr. Sacad Cali Shire, oo uu wargeyska Geeska Afrika shalay wax ka weydiiyay arrintan, ayaa sheegay inaanu jirin dalab rasmi ah oo uu Ruushku u soo gudbiyay Somaliland. Wasiir Sacad wuxuu yidhi “Anigu inta aan ka war hayo arinkaas wax ka jiraa ma jiraan,lalama kulmin,wax dalaba oo rasmiya oo ay soo gudbiyeen maan arag. Markaa arinka waxba kama jiraan.” Sidaas ayuu yidhi Wasiir Sacad Cali Shire, waxaanu intaas raaciyay in haddiiba uu Ruushku codsigaas u soo gudbiyo Somaliland laga tashan doono markaas “Markay timaado waa laga tashanayaa,waxay faa’iido inoo leedahay ayaa la eegayaa.”

Wasiirka arrimaha dibadda Dr. Sacad Cali Shire, wuxuu Geeska Afrika weydiiyay aqoonsiga la sheegay in dalka Imaaraadka Carabtu aqbalay in dalkooda lagu tago baasaaboorka Somaliland, wuxuu yidhi”Basaboorkeena ay ogolaadeen marka hore wuxuu ku jiray heshiiyadeenii hore aynu u wada galnay,si Dhalinyaradeenu uga shaqeyn karaan Imaaraadka,markii dambe ee aanu tagnayna wuxuu ka mid ahaa waxyaabaha uu Madaxweynuhu muujiyey,kolkaa xagga sare waa laga soo ogolaaday, qolada amniga waa loo sheegay inay Baasaboorka Somaliland tixgaliyaan, markaa imika waxa socota arimihii farsada sidii loo dhammayn lahaa”

Xigasho Geeska