Deg Deg] :- Taliyaha Ciidanka Qaranka Somaliland Oo Iminka Ka Hadley Dagaalkii Saaka Ee Tuko-raq ” 6 Baabuur Baanu Qabsaney Iyo Maxaabiis ..” + [Muuqaal]

Hargaysa (Salaanmedia.com)_ Taliyaha ciidanka qaranka Somaliland Sareeye
Gaas Nuux Ismaciil Taani oo goor dhaweyd warbaahinta kula hadley jiida hore ee dagaalka ayaa waxaa uu ka hadley dagaal saaka dhex maray ciidamada Somaliland iyo kuwa Puntland .

Taliyaha ayaa sheegay in dagaalkaasi ay guul weyn ka soo hooyeen ciidamada Somaliland isla markaana ay ku qabsadeen 6 gaadhi oo mid ka mid ahi taangi yahay , sidoo kale-na ay la wareegeen magaalada God qaboobe oo ay hore gacanta ugu hayeen ciidamada Maamulka Puntland

https://youtube.com/watch?v=yFWehRrtgFQ

” Waxaa na soo weerar ciidanka Puntland kuwaas oo naga soo weerar jiida Hawdka, weerarkaas waa la celiyey , waxaana ka dhintey ciidanka Puntland saddex qof dagaalkaas shalay , anaga se weerarkaa shalay waxba nagumuu gaadhin .

Weerar kale ayaa ay saaka ciidamado badan naga soo wareeren dhinac Garoowe , dagaalkaasi muddo 4 sacadood iyo badh buu socdey , dhimasho iyo dhaawac muu jiraa , waanu ka saarney ciidamada Puntland god qaboobe , waana aanu jabiney labadii aag , waxaanu qabsaney 6 baabuur oo mid taangi yahaymaxaabiis badan iyo dhaawac badan waanu haynaa , dhulkii ay joogeena ciidanka qaranka ayaa iminka jooga” ayuu yidhi taliye Nuux Taani