[Akhriso ]:- Wararkii Ugu Danbeeyey Isku Shaandheynta Uu Madaxweyne Muuse Biixi Ku Sameynaayo Xukuumadiisa

Hargaysa (Salaanmedia.com)_ Warar lagu baahinayo baraha ay bulshadu ku
xidhiidho ayaa sheegaya in laga yaabo in Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi uu dhawaan isku shaandhayn iyo xil ka qaadis ku sameeyo xukuumadiisa islamarkaana uu golihiisa xukuumadda ku soo daro wejiyo cusub.

Madaxweyne Muuse Biixi Oo Shacabka Ku Hambalyeeyey Curashada Bisha Barakaysan Ee Ramadaan

Wararkan ayaa waxay sheegayaan in Madaxweyne Biixi uu markii u horaysay isbedel ku samaynayo golihiisa wasiirada oo uu magacaabay bishii December ee kal hore. Wararka qaar ayaa sheegaya inuu xilka ka qaadi doono xubno wasiiro ah, halka uu kuwo kalena u bedeli doono wasaarado kale, waxaanu golihiisa ku soo dari doonaa siyaasiyiin cusub.
Siyaasiyiinta cusub ee la filayo inay ka mid noqdaan golaha wasiirada ee Madaxweyne Biixi ayaa la saadaalinayaa inay noqon doonaan rag ka tirsan xisbiga mucaaradka ah ee Waddani.
Shacabka ayaa inta badan golaha wasiirada eeMadaxweyne Muuse Biixi ku tilmaama inay u badanyihiin gole xukuumadeed oo aan la jaan qaadi Karin xaaladda siyaasadeed ee ay Somaliland gashay intii doorashadii madaxtooyada ka dambaysay taas oo shacabka aad u kala qaybisay.
Waxa iyana jirta inay kala lumeen wasiirada Madaxweyne Biixi iyo deegaanadii ay ka soo jeedeen. Shacab badan ayaa aaminsan in xubno wasiirada ka mid ahi aanay deegaanadooda ku lahayn saamayn siyaasadeed.
Waxa kale oo la tilmaamaa inaanay badanka wasiirada Madaxweyne Biixi sidoo kale la jaanqaadi Karin xaaladda siyaasadeed ee ku soo korodhay mandaqada gobalka Geeska Afrika.
Waxaana la leeyahay, arrimahan iyo talooyin badan oo loo gudbiyay Madaxweyne Biixi ayaa lagama maarmaan ka dhigaya inuu isbedel ku sameeyo golihiisa wasiirada.
Madaxweynaha ayaa markii talada loo doortay wuxuu soo dhisay xukuumad ka kooban 23 wasiir iyo 9 wasiir-xigeen oo u badan wejiyo ku cusub saaxadda, laakiin shacab badan ayaa markiiba ku dooday inaanu Madaxweyne Biixi soo dhisin xukuumadii ay shacabku ka filayeen si Somaliland uga gudubto duruufo badan oo ku xeeran.
Si kastaba ha ahaate, muddooyinka soo socda ayaa la eegayaa bal in Madaxweynuhu go’aansado inuu isbedel ku sameeyo xukuumadiisa iyo inuu sii wado tijaabinta wasiiradiisa.

Geeska