Shir Weynihii Beesha Gaxajis Oo So Rasmi Ah U Furmay Iyo Jawiga Saaka + Siyaasiyiinta Beesha Oo Ka Qayb-galay Furitaanka Shirka + Sawirro
Gacanlibaax (SM) Shir weynihii Beesha Garxajis, ayaa si rasmi ah shalay galab uga furmay Buurta Gacanlibaax, kaasi oo ay kasoo qayb-geleen ergooyin kal kala socda dhammaan-ba Ardaayada Beesha Garxajis, isagoo subaxan saaka ahna si habsami ah u socda .
Shirkan Beesha Garxajis ee Tol-wanaaje laba , ayaa waxa si rasmi ah u furey furiteenkiisii Suldaanka Guud ee Beesha Garxajis Suldaan Maxamed Cabdiqaadir,waxaana lagu wadaa in lasoo gunaanado maalinta Khamiista ee fooda inagu soo haysa.
Salaadiinta, Boqorada ugaas-yada Cuqaasha, iyo badi madax-dhaqameedka Beesha Garxajis oo ka kala yimi Gobolada, Sanaag, Tog-dheer, Saaxil, Maroodijeex, Daad-madheedh iyo ergooyin ay soo xuleen ayaa iyana soo buuxiyey madasha shirka .
Dhanka kalene waxa furitaankii shir weynaha Beesha Garxajis ka qayb-galay siyaasiyiinta beesha dhammaantood, waxaana kamid ahaa Prof Ismaaciil Buubaa, Siyaasi Axmed Mirre Maxamed, Guddoomiye Cabdiraxmaan Cirro, Xildhibaan Dheeg iyo weliba siyaasiyiin kale oo miisaan culus.
Â
Docda Kalene shir weynaha loogu magacaabay Tol-wanaaje Laba ee beel weynta Garxajis, ayaa ilaa hadda si habsami ah uga socda Buurta Gacanlibaax.
Kalasoco Wixii Kasoo Kordha Shiraasi Halkan.