XASUUSIN: Roberto Firmino Oo Reer Brazil Dib U Xasuusiyey Halyeygii Ronaldo, Una Ballan-qaaday Inuu Waxwalba U Qaban Doono

Burco (Salaanmedia.com)_ Weeraryahanka xulka qaranka Brazil ee Roberto Firmino ayaa dib u xasuusiyey shacabka reer Brazil halyeygoodii hore ee Ronaldo ee u qaaday Koobkii Adduunka ee 2002.
Xulka qaranka Brazil oo haysta ciyaartooyo da’ yar oo si fiican iskula qabsaday ayaa ka mid ah waddamada loo saadaalinayo inay meel fiican ka gaadhaan Koobka Adduunka oo Khamiista soo socota ka bilaabmi doona waddanka Ruushka.
Roberto Firmino ayaa u xiistay qaabkii Ronaldo u xiiran jiray, taas oo dhalisay inay mar kale bilaabanto riyada reer Brazil ee ah inay heleen halyeygii guusha u horseedi jiray oo kale.

Firmino-vs-Ronaldo-300x199

Isaga oo la hadlayey warbaahinta FourFourTwo, ayaa waxa uu Firmino sheegay in isaga oo ay da’diisu tahay 10 jir uu dhamaan daawaday ciyaarihii Brazil ee Koobkii Adduunka 2002, dhamaan kulamadii dhacayna uu saqda dhexe usoo toosi jiray, sidaas darteedna uu timaha ugu jartay qaabkii Ronaldo oo uu taageeri jiray.
“Ciyaar kasta toos ayaan ula socday Koobka Adduunka. Saqda dhexe ayaan kici jiray si aan u daawo, waana xasuusta ugu qaalisan ee wakhtigii carruurnimadayda. Intii ka dambaysayna waxa aan ku riyoon jiray inaan ciyaaro Koobka Adduunka.” ayuu yidhi Roberto Firmino.
Laacibkan khibradda badan oo gool muhiim ah u dhaliyey Brazil ciyaartii saaxiibtinimo ee Croatia ay kula ciyaareen waddanka Ingiriiska ka hor Koobka Adduunka, ayaa waxa sheegay in intii aanu dhamaanin Koobkii Adduunka ee 2002 ee uu mrayey marxaladda afar dhamaadka uu timaha u xiirtay sida Ronaldo, nasiib wanaagna ay koobkii qaadeen.
“In Brazil ay markii shanaad noqoto horyaalka adduunku waxay ahayd wax qurux badan. Xattaa waxa aan timada u jartay sida Ronaldo ka hor wareeggii afar dhamaadka. Kooxdaasi cajiib ayey ahayd koobkiina way ku guuleysteen. Wax kasta oo uu Ronaldo sameeyey, waxa aan jecelahay inaan ku daydo.” ayuu raaciyey.
Jidkii Brazil usoo Martay koobka Adduunka ee Ruushka
natiijooyinka marxaladdii sireeb-reebka
09/10/2015 Chile (gurigooda) 0-2
14/10/2015 Venezuela (marti) 3-1
14/11/2015 Argentina (Gurigooda) 1-1
18/11/2015 Peru (Marti) 3-0
26/03/2016 Uruguay (Gurigooda)2-2
30/03/2016 Paraguay (Marti) 2-2
01/09/2016 Ecuador (Gurigooda) 3-0
07/09/2016 Colombia (Gurigooda) 2-1
07/10/2016 Bolivia (Gurigooda) 5-0
12/10/2016 Venezuela (Gurigooda) 2-0
10/11/2016 Argentina (Gurigooda) 3-0
16/11/2016 Peru (Gurigooda) 2-0
23/03/2017 Uruguay (Gurigooda) 4-1
29/03/2017 Paraguay (Gurigooda) 3-0
01/09/2017 Ecuador (Marti_ 2-0
05/09/2017 Colombia (Gurigooda) 1-1
05/10/2017 Bolivia (Marti) 0-0
11/10/2017 Chile (Gurigooda) 3-0
Xiddigihii ggoolasha badan u dhaliyey
1. Gabriel Jesus – 7 gool.
2. Paulinho – 6 gool
3. Neymar – 6 gool.
Ciyaaryahannadii ugu safashada badnaa
1. Miranda – 17 kulan ayuu saftay
2. Dani Alves – 17 kulan ayuu saftay
3. Willian – 17 kulan ayuu saftay