Xulka Qaranka Masar Oo Ka Degay Ruushka & Muuqaallada Sawirradii Laga Qaaday

Hargaysa (Salaanmedia.com)_ Waxa waddanka Ruushka ka degtay diyaaraddii sidday ciyaartoyga xulka qaranka Masar uga qayb-gelaya Koobka Adduunka, taas oo maanta gellinkii hore ka duushay garoonka diyaaradaha ee magaalada Qahira.
Xulka qaranka Masar ayaa si toos ah uga degay Grozny, halkaas oo ay ku qaadan doonaan tababar fudud oo ay ku samayn doonaan garoon carbis oo hore loogu sii diyaariyey, waxaana ay Khamiista tegi doonaan garoon weyn oo ku yaalla magaalada Moscow oo ay ka qabsoomi doonto xafladda Furitaanka, taas oo xulalka lagu soo bandhigi doono.

h-300x200

Ciyaaryahannada Masar ee gaadhay Ruushka waxa hoggaaminayey Mohamed Salah oo dhaawac u jiifay labadii toddobaad ee u dambeeyey, hase yeeshee Masar ay rajaynayso inuu caafimaadkiisu taam ku noqdo maalmaha kooban ee uga hadhay ciyaartooda koowaad.

Egypt5-300x187

Ciyaaraha wareegga Group-ka ee sugaya Masar
June 15: Uruguay – Ekaterinburg
June 19: Russia – St Petersburg
June 25: Saudi Arabia – Volgograd

Egypt4-300x210

Dardaarankii Madaxweynaha
Madaxweynaha waddanka Masar ayaa xalay casuumad uu xulka qaranka ugu sameeyey qasriga madaxtooyada ee Qahira, waxa uu ugu sheegay in shacabku ka sugayaan wax ay ku farxaan, isla markaana ay tahay inay ilaaliyaan dhaqanka iyo taariikhda soo jireenka ah ee Masar.
Mohamed Salah oo isaguna kulankaas ka hadlay ayaa u sheegay Madaxweynaha in caafimaadkiisu fiican yahay, kuna dedaali doono inuu u dagaallamo waddankiisa, laakiin dhinaca kale, tababarkii uu xalay fiidkii ku sameeyey Qahir ayaa la arkayey in aanu si fiican u qaadan kararaynin, waxaana uu inta badan la taagnaa tababareyaasha iyadoo ciyaaryahannada kale ay tababarka samaynayaan.

Egypt6-300x253