Akhri: 3 Qodob Oo Ay Ka Wada-Hadleen Siyaasi Ismaaciil Hurre Buubaa Iyo Madaxweyne Muuse Biixi.

Hargaysa (Salaanmedia.com)_ Kulan la sheegay in uu codsaday madaxweynaha Somaliland ayaa 10kii bishan July waxaa uu dhex maray Siyaasi Ismaaciil Maxamuud Hurre Buubaa iyo Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi.

36893571_1721462131300966_6808679579809480704_n

Kulanka dhex maray madaxweynaha iyo Siyaasi Buubaa oo ka qabsoomay guriga madaxweyne Biixi ayaa waxaa lagaga wada hadlay saddex qodob oo kala ah;
1- Madaxweynaha ayaa Siyaasi Buubaa ka codsaday in uu kala shaqeeyo xidhiidhka Itoobiya iyo is-badallada cusub ee ka curtay mandaqadda Geeska Afrika.
2- Xiisadda Tukaraq iyo Arrimaha beesha caalamka sidii loo darsi lahaa
3- Shirkii dhawaan Buurta Gacan-libaax ugu soo dhamaaday beesha Garxajis, iyadoo Buubaa uu madaxweynaha u sheegay in uu la qabo beeshiisa qodobadii kasoo baxay shirkaasi isla markaana wixii ku saabsan shirkaasi uu kala hadli karo guddida beesha.