BARNAAMIJKA BAADI GOOB OO SAAMAYN KU YEESHAY XUKUUMADDA KULMIYE + MID LIDDI KU AH OO MADAXTOOYADDA LAGA SOO ABAABULAYO

Hargaysa (Salaanmedia.com)_ Hay’addaha Xukuumadda Kulmiye ayaa waxa ay ka gubteen Barnaamijka Baadi Goob ee uu dhawaan soo saaray Wariye Cabdirisaaq Teera oo ka mid ah suxufiyiinta Somaliland.
Barnaamijkan oo diirada lagu saaray Doorashooyinkii dalka ka qabsoomay ayaa dibada u soo saaray Cadaalad darrada xukuumadii wakhtigaasi, boobka Xisbiga Kulmiye iyo is indhotirka Gudida doorashooyinka oo iyaga la biday in ay u cadaalad falaan saddexdii xisbi ee ku tartamayay doorashadii Madaxtooyadda.
Xukuumadda oo aan ka seexanin Barnaamijkaasi, markii uu soo baxayna warbaahinta u xaglisa ku qarqiyay aduun lacageed si aanay u baahinin ayaa hadda wada qorshe ay ku soo saaraayaan Barnaamij kale oo liddi ku ah Baadi Goob, kaas oo loo qoondeeyay in ay

https://youtube.com/watch?v=LtIfm3zhRVs

ku baxdo aduun lacageed oo aad u badani.
Barnaamijkan ayaa sida ilo u dhuun daloola ay hadhwanaagnews u xaqiijiyeen waxa soo saaristiisa ay madaxtooyadda iyo hay’adihii uu taabtay ay u xil saareen in ay ka shaqayso mid ka mid ah shirkadaha caanka ka ah Hargeysa oo xidhiidh wanaagsan la leh madaxtooyadda.
In kasta oo aanay ilo wareedyadaasi xaqiijinin goorta uu sida rasmiga ah u soo bixi doono Barnaamijkani, hadana waxa lagu soo waramayaa in ay u dhan yihiin waxyaabihii lagu soo saari lahaa, lacagtana la isla meel dhigay.
Xukuumadda Kulmiye ee uu hogaankeeda Hayo Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi ayaa soo saarista barnaamijka Baadi Goob ku eedaysay in uu xisbiga Waddani wax ka ogaa, in kasta oo uu xoghayaha guud ee Xisbigaasi si adag uga difaacay xisbigooda eedahaas oo dhan.
Halkan Hoose Kaga Boggo Barnaamijka Baadi Goob Ee