CAASHAQA LAGU HUNGOOBAY..JULY 10.18

| July 10, 2018
CAASHAQA LAGU HUNGOOBAY..
FB_IMG_1531149591789
Labada qof markey  isbartan mid waliba dabeecadiisa wanaagsan ayu dusha so mariya,sida maraqu subaga dusha u so mariyo,waxa darasado badan lagu ogadey in qofkasta oo bili aadam ahi uu leyahay laba shaqsiyadood oo midi tahay shaqsiyadisa dabeciga ah ama rabaniga ah iyo mid labaad oo u  bulshada iyo asxaabta kula socdo o ah  waji furi iyo dholo cadeyn badan, afka qalaad waxa lagu yidha ((two personality)) taas ay keenta dhibatada nocan oo kale ah shaqsiyada runta ahina waxay so baxda marka labada qof guri iyo nolol khaasa wada qatan ama nolasha wadaagan.
Caashaqa lagu hungobiyo
Nin xuni ciilku ku baday
Ragba hawga cagiine
Cidla nolasha kalinimo
Caku kuma qalante
Cadrad yahay gayaanka
Nasiibka mar kale cugo
Waa suro gal iney tano kale dhacdo,ninka iyo gabadha mid walba wey ku dhici karta,
Rag badan aya dumarkaba ka xanaaqaya waxay tii hore so marisay awgeed!
Dadka qaar waxay amiinsan yihin iney raga ku badan tahay,lakiin waxa xaqiiqo ah in labada qofba ku dhacdo, badana dumarku waxay been ka sheegan marka ay wiilka isbartan ee ay hasawayan dabecadeeda runta ah, waxaaney la  so baxda mid ay ku so jidaneyso wiilkan ay ka heshey, ninkuna waxa uu  been ka sheega inta badan xaga jeebkisa iyo xaga noloshisa isago ay Ku jirto murtidii ahayd ” naago beena ku so xero gali runa Ku dhaq”
Si kastaba ha ahaate Somaalidu arintan labada dabecadood ee qofku leyahay waxay u ledahay aqoon dheer waxana ay ku cadeyen dhowor maahmahod oo ay ka mid yihin.
•jid ma la martay
•jidin ma la cuntay
•jihaad maysku aragten ama dagal ma wada gashen.
•jabad ma la dagtay ama guri ma la dagtay.
Hadanad inta la marin qofka oqoon aya kugu laaban,arrimahan aan kor aynu ku so sheegnay wa kuwo shaandho u ah barashada qofka,hadaba qaraxa ugu weyni wuxu dhaca marka labada qof is guirsadan ee ay aqal galan wakhtigaas qof waliba wuxu la so baxaya shaqsiyadiisi runta ahayd,marka waxa bilaabmaaya islayaab ama isbadel dabecadeed,barta ayu isku dhici labada qof ka kowsanaya ilaa ay gaadho halista gurigii inu dumo si kastaba ha ahaate labada qof mid aya sii daran oo qarinayey dabeecadisa asalka ah ama abuurka rabaniga ah ka kale waxay ku kenasa dhibatoyin faro badan oo halis uu ah nolashiisa sababina kara niyad jab iyo u qaadan wa iley wakan qofki ay is  guursaden qof kale ku noqdaye, waxaney khatar Ku tahay jiritaanka gurigooda.
La soco qeeybaha danbe.
Qalinki: Khadar Kaariye

Category: Articles