Faadumo Axmed oo noqotay Haweeneydii ugu horeesay oo Kenyan ah ee noqota Janaraal (Daawo Sawirada)..July 13.18

Faadumo Axmed oo ciidanka milatariga dalka Kenya kamid aheyd mudo 35-sano ah ayaa maanta loo dhaariyay darajada Janaraal, waxa ayna noqotay Haweeneydii ugu horeesay ee Kenyan ah ee darajadaasi ciidanka ka gaarta.

Munaasabad qurux badan oo lagu dhaarinayay Faadumo Axmed ayaa maanta lagu qabtay magaalada Nairobi, waxaana munaasabadaasi kasoo qeyb galay Madaxweynaha Dalka Kenya Uhuru Kenyatta.

Madaxweyne Uhuru Kenayatta oo darajada Janaraal u xiray Faadumo ayaa ugu hambalyeeyay darajada sare ee ciidanka ka gaartay, waxa uuna sheegay in guusha faadumo ka gaartay ciidanka ay tahay mid aad u weyn oo ku dayasho mudan.

Waxa uu sheegay Madaxweynaha Kenya in uu rajaynayo guusha ay Fatuma gaartay ay dhiirigalin u noqon doonto haweenka kale islamarkana uu rajaynayo in ay hormuud iyo tusaale u noqon doonto.

Ganaraal Faadumo ah oo katirsan ciidanka milatariga dalka Kenya ayaa hogaamisa Waaxda Saadka ee ciidanka Milatariga Kenya, waxa ayna Haweeneydan Kenya ka gashay Taariikh weyn oo lagu xasuusan doono.