Shirkii Xaalada Soomaaliya Ee Brussels Oo Goor Dhaweyd Furmay + [ Akhriso ]

Brussels (Salaanmedia.com)_ Waxaa goor dhaweyd magaalada
Brussels ee dalka Belgium-ka si rasmi ah uga furmay shir heer caalami ah oo loogu eegayo xaalada Soomaaliya iyo wax-yaabihii u qabsoomay dowladda hadda jirta.
Shirkan ayaa sidoo kale dib u eegis ku sameyn doona wax-yaabihii ka hergalay shirkii horey loogu qabtay magaalada London bishii May 2017-kii.

IMG_E1C9BF-D4A927-87B68E-B3BDED-861F29-175F36

Madaxweynaha dowladda Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo madaxda dowlad gobolleedyada dalka ayaa shir kuwada sugan, waxaana sidoo kale shirka qeyb ka ah maamulka gobolka Banaadir.
Wasiirka arrimaha dibedda Soomaaliya Axmed Ciise Cawad oo la hadlay warbaahinta ayaa rajo wanaagsan ka muujiya shirkan iyo qodobada la filayo in ay ka soo baxaan, isaga oo dhinaca kalana sheegay in madaxda dowladda ka qeyb-galayaasha shirka la wadaagi doonaan hormarada ka jirta gudaha dalka Soomaaliya iyo guulaha ay ku tallaabsatay sida uu hadalka u dhigay dowladda federaalka