Wafti Ay Hogaaminayaan Madax-dhaqameed Bariga Burco Ka Soo Jeeda oo Garoowe Gaadhay, Ujeedada Socdaalkooda iyo Cidda Dirsatay

Garoowe (Salaanledia.com)_ Xubno isugu jira madax-dhaqameed, aqoonyahan iyo ganacsato reer Somaliland ah ayaa la sheegay inay gaadheen magaalada Garoowe ee xarunta maamul goboleedka Puntland.
Waftigan oo ka kooban todoba xubnood ayaa saddex ka mid ahi ka soo jeedaan bariga Burco, halka saddex kalena ka soo jeedaan Hargeysa, waxaana weheliya laba dhakhtar oo ka soo jeeda Boorama.
Xubnaha bariga Burco ka soo jeeda ayaa kala ah Suldaan Maxamuud Xaaji Xuseen Nuur, Suldaan Maxamuud Guuleed Mire iyo Oday Axmed Bidde, sidoo kale xubanaha reer Hargeysa ayaa waxa hogaaminaya ganacsadaha Jamaal Caydiid.

37027513_10156520696158535_2474294336687177728_n-150x150

Waftigan ayaan ujeedadiisu caddayn iyadoo guud ahaanba laga qariyey warbaahinta iyo bulsho weynta hase yeeshee xukuumadda Somaliland ayaa la sheegayaa inay u wakiilatay inay nabad ugu baaqaan maamulka Garoowe.
Dhinaca kale wararka soo baxaya waftigan ayaa sheegaaya inay la kulmeen qaar kamid ah isimada Puntland, iyadoo lafilaayo inay kulan la yeeshan Madaxweynaha Puntland Cabdi Gaalas.
Wixii ka soo kordha kala soco shabakada wararka ee
Salaanmedia.com

Xigasho. Somalilandtoday