Xisaabiyihii Guud Ee Shirkada Dp World Ee Dekada Berbera Oo Is Casilay Iyo Sababta

Berbera (Salaanmedia.com)_ Iimaan Yuusuf Iimaan oo ahaa xisaabiyihii guud ee Shirkada DPWorld ee dekada Berbera ayaa la sheegay in uu iska casilay xilkii uu hayay.

iman-yusuf-iman.jpg-150x150

Is-casilaada xisaabiyaha ayaa lasheegay inay ka dambaysay markii uu saluugay shaqada uu gacanta ku hayay ee dekada Berbera. Xilka uu baneeyay ayaa waxa imika si ku meel gaadh ah uhaya ku-xigeenkiisii oo ah nin ka soo jeeda dalka Senegal.
Hadaba Illaa Iminka waxaa la Ogyahay uun in Xisaabiye Iimaan Yuusuf iimaan uu Xilkaasi Iska casilay Shirkada Dp World na aay ka Aqbashay is Casilaadiisa oo ahayd mid kadisa.
Illo wareedyo kaelana waxay Sheegeen in Mudadii u danbaysay ay Isku Dhacsanaayeen Mareeyaha Shirkada Dp world ee Dekada Berbera Superga, waxaana Xogo wareedyadu intaa ku dareen in Xisaabiye iimaan uu Yahay Nin Ku adadkaa sharciyada maamulka Xisaabaadka Balse uu Ka Biyo Diiday gacan Dhaaf kaga Timid Masuuliyiinta Shirkada.