Boqortooyada Sucuudiga Oo Markab Xoolo Ah Dib U Soo Celisay

Hargaysa (Salaanmedia.com)_ Boqortooyada Sucuudiga ayaa soo
celisay xoolo ka dhoofay Magaalada Bosaaso ee gobolka Bari waxaa xoolahaas Laga raray dekeda Bosaso Ganacsato kasoo jeeda Degaanada Puntland ayaa lahaa xoolahaas .

markab-xoolo

Waxaa la sheegay in markabka magaciisa la yidhaahdo Alafa Xoolaha uu sidayna ay gaarayeen 27000 Neef kuwaas oo ka dhoofay Magaalada Boosaaso.
Boqortooyada Sucuudiga oo horay u xayiray xoolahaSoomaalida ayaa la sheegay inuu Xayiraadii ka qaaday xili dhow waxayna xoolahan lasoo celiyey ka mid ahaayeen kuwii ugu horeeyey ee ku dhoofa fasaxa ay dalkaasi ku ogolaadeen inay xoolaha Soomaalidu dalka Sucuudiga ay iman karaan .
Xoolahan ayaa ahaa kuwo looga faaiidaysanayey xiliga xajka oo xoolo badan lagu gowraco muwsimka Xajka , lama garanayo sababta ka danbaysa soo celintaan xoolaha . Tankale lama oga xayiraada la qaaday inay ku ekatahay Xiliga xajka iyo in kale.