DAAWO: Somaliland Oo Iska Fogeysay Inay Ku Lug Lahayd Qaraxii Ka Dhacay Buuhoodle, Kana Jawaabtay Eedaymo Uga Yimid Puntland

Hargaysa (Salaanmedia.com)_ -Xukuumadda Somaliland ayaa iska fogeysay in ay wax lug ah ku lahayd qarax 1 bishan ka dhacey magaalada Buuhoodle oo ay ku dhinteen laba qof. Wasiirka wasaaradda hawlaha guud dhulka iyo gureynta Somaliland Cabdirashiid Xaaji Ducaale ‘Qambi’ ayaa ka jawaabay hadalo ka soo yeedhay madaxwayne ku-xigeenka Puntland kuwaasi oo ahaa; in Somaliland ay iyadu ka danbeysay qaraxaasi ka dhacey magaalada Buuhoodle. Wasiirku waxa uu hadaladaasina ku tilmaayay qaar siyaasaddeysan oo ujeedoodin gaar ah laga lahaa,

Halkan hoose ka DAAWO