“Dalal Badan Oo Afrikaan Ah Ayaa Ka Garaabay In Somaliland U Qalanto Aqoonsi” Maxamed Biixi Yoonis

Hargaysa (Salaanmedia.com)_ “Somaliland waa dawlad madax bannaanayd 27 sannadood oo aan weli la aqoonsan. Waxaanu macaamil ganacsi la leenahay dunida. Somaliland waxay buuxisay dhammaanba shuruudihii dawlad looga baahnaa, waxay leedahay shacab tiradiisu cayiman tahay iyo lacag u gaara.
Waana dal ay ka jirto deganaanshiyo, xasilooni iyo dimoqraadiyad” sidaasi waxaa yidhi wasiirkii hore ee arrimaha dibadda Somaliland Maxamed Biixi Yoonis, oo waraysi dhinacyo badan taabanaya uu la yeeshay telefishanka Afro TV oo xaruntiisu tahay dalka Koonfur Afrika, isaga oo ku sugan dalka Koonfur Afrika.

MAXAMED-BIIXI

Maxamed Biixi Yoonis, isaga oo ka hadlayay heerka ay Somaliland ka gaadhay doorashooyinka iyo dimoqraadiyadda waxa uu yidhi “Sanadkii hore waxaanu dooranay madaxweynihii shanaad oo ay yeelato Somaliland. Haddii la eego dhinacyadda xasiloonidda, deganaanshiyaha iyo dhinaca xidhiidhka caalamka Somaliland shuruudahaasi way buuxisay. Laakiin arrinta ay weli wax badani nooga dhiman yihiin ayaa ah in aanu dunidda ku qancino in Somaliland ay u qalanto in la aqoonsado. Waxaanay Somaliland leedahay tayadii looga baahnaa in ay kaga mid noqoto qaramadda midoobay iyo midawga Afrika.
Somaliland si xoog leh ayay uga shaqaysay wadahadalo in ay la yeelato Soomaaliya, taas oo keeni karta in Soomaaliya si caadiya aanu u kala tagno. Sababta oo ah Somaliland waxay buuxisay dhamaanba shuruudihii dawladnimadda. Waxaanu leenahay nidaam dimoqraadiya oo Somaliland ay ku doorato madaxdeedda.
Sanadka soo socda waxaanu geli doonaa doorashooyinka goleyaasha degaanka iyo baarlamaanka. Waxaanan ku odhan karaa Somaliland si wanaagsan ayay wax uga qabatay arrintaasi, marka la bar-bar dhigo Soomaaliya iyo dalal badan oo Afrika ah”.
Isagoo hadalkiisa sii watayna waxa uu yidhi “Waxaan ku rejo wanahay in wakhti dhaw la arki doono Somaliland oo ah qaran xubin ka ah jamciyadda quruumaha ka dhaxaysa. Sababta oo ah dadka nooga yimaadda wadamadda qaaradda Afrika iyo qaadhaan bixiyeyaasha caalamku waxay noo qiraan dedaalka ay samaysay Somaliland oo ay ku tilmaamaan wax la taaban karo. Waxaanay noo muujiyaan rejo ah in Somaliland beesha caalamka ka heli doonto aqoonsi buuxa”.
Weriyaha ayaa Maxamed Biixi, waydiisay su’aal nuxurkeedu ahaa, doorashooyinka ka dhaca dalalka Afrika waxaa ka dhasha rebshado iyo dagaalo iyo sidoo kale in doorashooyinku aanay xiligoodda ku qabsoomin oo ay dib u dhacaan, Somaliland sidee ayay doorashooyinku uga dhacaan?
Waxaanu ku jawaabay oo uu yidhi “Xaqiiqatan Somaliland doorashooyinku waxay uga dhacaan si aad u wanaagsan. Sanadkii hore doorashooyinka waxaa ku yimid dib-u-dhac laba sanno ah, arrintaas oo ay keeneen duruufo ay ka mid ahayd abaarro baahsan oo dalka ka dhacay iyo arrimo kale.
Balse sida caadiga ah doorashooyinka Somaliland waxay ku dhacaan xiligoodda. Somaliland waa qaran aad u dimoqraadi ah, xataa dhaqan ahaan ayay bulshadda Somaliland dimoqraadi u yihiin. Waxaanan kuu cadaynayaa in aan wax fiican ka qabanay dhinaca doorashooyinka, haddii aanu sidaas ku wadno waxan filayaa in si dhakhso ah loo heli doono aqoonsiga beesha caalamka”.
Isagoo hadalka sii watay wuxuu sharaxaad ka bixiyay dedaalka ay Somaliland ugu jirta aqoonsi raadinta iyo dariiqa ugu habboon ee ay u marayso iyo taariikhda madax banaanidda Somaliland ka hor intii aanu la midoobin koonfurta Soomaaliya. “Kiiskayaga aqoonsi raadinta waxaanu u gudbinay dalal badan oo Afrikaan ah, waxaanay noo muujiyeen ixtiraam, waanay ka garaabeen in Somaliland u qalanto in la aqoonsado. Balse qadiyadda ayaa hadana u baahan in la kala sooco.
Taasina waa in aanu la marnaa dhinaca Soomaaliya oo ay wax naga dhexeeyaan, sababtoo ah Somaliland waxay madax banaanayd ka hor intii aanay Soomaaliya ku biirin. Waxaanay xoriyadeedda ka qaadatay boqortooyadda Ingiriiska 26-kii bishii June ee sanadkii 1960-kii.
Shan maalmood uun kadib-na waxaanu ku biirnay Soomaaliya oo dawladda Talyaanigu maamuli jirtay, sidaas awgeed arrintayadu way ka duwan tahay kiisaska wadamo badan oo Afrikaan ah. dad ayaa isku mid ka dhiga, balse arrimuhu ma aha kuwo isku mid ah. waanu madax banaanayn, kadib-na waanu ku biirnay. Intaa kadib waxaanu go’aansanay in aanu dib ula soo noqono madax banaanidayadii.
Hadda waxaanu nahay dawlad madax bannaan oo aan la aqoonsan, xidhiidho ayaanu dawladaha iyo hay’adaha caalamka la leenahay, daymaha iyo deeqahana waanu helnaa. Waxa kaloo aanu heshiisyo la galnay wadamo dunida ka tirsan, baanka aduunka iyo baanka horumarinta Afrika intaba” ayuu yidhi Maxamed Biixi Yoonis.
Waxa kaloo uu weriyuhu Maxamed Biixi Yoonis waydiiyay in dalalka Afrika qaarkood waxay la hal-gamayaan Faqri iyo shaqo la’aan, sidee arrintaasi uga jirtaa Somaliland, waxaanu yidhi “Camal la’aantu way ka jirtaa Somaliland, dhalinyaro badan ayaan shaqo haysan. Waxaanay Somaliland isku deyaysaa in dhalinyaradaasi xirfado ay ku shaqaystaan la barro. Ilaa 26 jaamacadood ayaa ka jira Somaliland kuwaasoo loogu tallo galay in wax lagu barro dhalinyaradda, isla markaana ay ka qaataan aqoon ay ku shaqo tegi karaan.
Hadda waxaanu u furnay dekadda Berbera, in ay maamusho shirkadda DP World taasoo da’yarta shaqo u abuuri karta. Dhibaatadda shaqo la’aanta waanu la qabnaa dalal badan oo Afrika ah, laakiin waxaanu isku deyaynaa in la xakameeyo shaqo la’aanta haysata dhalinyaradda”.
Dhinaca kale Maxamed Biixi, oo la waydiiyay su’aal ahayd in wasaaradda khaarejiga Maraykanka, jamciyadda quruumaha ka dhaxaysa iyo midawga Afrika ay Somaliland u arkaan in ay tahay qayb ka mida Soomaaliya, midawga Afrika miyaanu awoodin in uu hoos u eego qadiyadda Somaliland?
Waxaanu ku jawaabay “Wefti ka socday midawga Afrika ayaa Somaliland yimid sanadkii 2005-tii. Gebagebadiina waxay ku taliyeen in qadiyadda Somaliland ay tahay mid u baahan in midawga Afrika uu hoos u eego. Imikana waxaanu ka shaqaynaynaa in mar kale midawga Afrika ay soo arkaan waxay qabsatay Somaliland iyo in ay tahay qaran degan oo dimoqraadi ah.
Waxaanan filayaa in badi xubnaha midawga Afrika, hay’adaha caalamiga ah iyo dawladaha qaadhaan bixiyeyaasha ah way ka war qabaan xaqiiqadda ka jirta Somaliland. Waxaana loo baahan in dib loo bilaabo wadahadaladii u dhexeeyay Somaliland iyo Soomaaliya, oo aanu eegno in si rasmiya aanu Soomaaliya uga wada xaajoono sidii aanu toos ugu kala bixi lahayn” sidaas ayuu yidhi Biixi.
Isagoo hadalka sii watay wuxuu yidhi “Taasina waxay dhabbaha u xaadhaysaa in aanu noqono laba dal oo deris ah, sida Jabuuti iyo Somaliland iyo Soomaaliya. Waxaanan aaminsanahay in Soomaaliya ay xaqiiqsan doonto danteedu in ay ku jirto Somaliland in ay aqoonsato. Sababtoo ah waxaanu aaminsan nahay aqoonsi ay hesho Somaliland in uu wax ka tari doono xasilooni ka dhalata Soomaaliya.
Maxaa yeelay? Soomaaliya waxaanu wadaagnaa wax badan, waxaanu ku wada hadalnaa luuqad isku mida, dhaqan iyo diin isku mida, sida wadamadda Carabta ee Imaaraadka iyo kuwo kale”.