Doorka Haweenka & duruufaha ku xeeran (Q 2aad)

| August 3, 2018

Doorka Haweenka & duruufaha ku xeeran (Qeybta 2aad)maqaal

Dhaqanka Somaalida & Haweenka

Dhaqankii Soomaalida & taariikhda marka aynu dib u raacno waxa aad inoogu cadaanaysa in aynu kasoo jeedno dad lahaa dhaqan adag oo haybsooca haweenka. haweenku waxay ahaayeen kuwo aad ugu dhib qabay bulshada waxa jirtay eex ay Ragga Somaalidu ka galeen haweenka oo badanayd. Waxa laysla garwaaqsanaa in ay gabadhu ka mid tahey hantida uu reerku leeyahay sida Xoolaha & Agabka kale kana hooseyso raga.

Waxaa uu dhaqanku dhigay xeerar & xakamayaal dhalanteed ah oo ay  kamid ahaayeen Cunnada inta ay u gartaan in ay wanaagsan tahey way ka mamnuuceen amaba waxa la odhan jirey dumarku ma gayaan tusaale hilibka halkaa ku yaal & ka halkaa ku yaal dumarku ma cunaan & waxyaabo la halmaala,. sidoo kale dhaqamada liitey ee la adeegsan jiray waxa ka mid ahayd in la yidhaa ha sugaan hanbada raga oo runtii aniga iila muuqata nusqaan weyn oo uu dhaqankeenu lahaa.

Waxa ay raggu ka dhigteen badeeco lagu khamaaro oo odey 100 jirkii maalini uga hadhay ayaa uu odey kale inantiisa oo 13 jir ah xaal u siin jiray amaba xoolo kaga badelan jiray. Waxaa iyana  jirtay in ninku ad-adayg iyo geesinimo isku bidi jirey in uu ooridiisa ka khashaafo oo reeerkiisa ku qalafsanaado. Waxa laga dhigi jirey godob reeb oo dhan marka laga eego xal ahaa, lakiin dumarka badankooda ay kula darsi jireen duruufo adag oo niyad ahaan & nafsad ahaanba u dhaawici jiray.

Talo & tusaale midna lama waydiin jirin iyaga oo hawsha u badan ee reerka gacanta ku haya oo dhalaya hadana dhaqaya. Waa kali talisnimo qoys walba taalay,e ayaa hadana dil & dibindaabyo layskugu darayey. Heerka hayaanada haweenka lagu hayaa xataa waxay gaadhsiisnayd in uu ninku ka faano la seexadka xaaskiisa oo saqda dhexe uu si dhuumaalaysi ah ugu soo gudi jirey.

Horta taariikhdeenii wataa oo waa taariikh madaw oo dumarka xaqii & xuquuqdii Alle siiyay waa loo diiday. Dhaqankeenuna waxa uu ahaa mid dumarka aad ugu adag oo aan arxan u hayn Ragiina arxankii in laga dhacey baad moodaysay oo qof la yidhi ilaaliya oo dhawra ayey budh madax weyn ku garaaci jireen iyada oo ay jirtay fahan la,aan xaga diinta ah & cilmiga oo sida loo helaa ay adkeyd.

markii guumeysigu arlada Soomalida yimi ee ay ilbaxnimooyinku bilaabmeen waxa talaabo talaabo loola soo qabsanayay nolosha magaalooyinka ilaa iyo xornimadii la qaatey oo ay dhalatay dawlad midaysan oo ay Somali leedahay iyada oo u xilka la wareegay kacaankii Milatariga  ahaa ee uu gadhwadeenka ka ahaa Maxamed Siyaad Barre (AHUN), kacaankaa ka dib waxa kor u kacay ka qeyb galka dumarka arrimaha Bulshada, Siyaasada & shaqo galkaba kadib markii ay bilaabmeen ololayaashi akhriska & qoraalka ee lagu dardar galinayay in ay bulshadu Rag & Dumar wax bartaan oo heerka aqoon la,aanta la yareeyo. Sidoo kale waxa iyana jiray xeer la ansixiyey 1975 oo la odhan jirey Xeerka Qoyska kaasii oo sheegayey in ay Ragga & Dumarku siman yihiin, gafaf badani haku jiraane waxaan uga gonleeyahay in ay kor u qaaday ka qeyb galka dumarka ee arrimaha bulshada & siyaasadda. Waxa ay noqdeen saraakiil ciidan, duuliyayaal, dhakaatiir, Injineero, macalimiin IWM. Nasiibdaro se isbadelkaasi ma sii waarin oo dagaalo sokeeye ayaa  bilaabmay oo bulshadii burbur baa ku yimi.

Ka dib dagaaladii haweenku waxay wajaheen xaalado adag. Ragii badankoodii waxay noqdeen wax dhinta, dhaawacma amaba ay haleeleen xanuunada dhimirku iyo in badan oo dhal oo dhaqaaq noqotay, sidaa darteed waxa ay noqotay in ay hooyooyinkii korka ku qaataan mas,uuliyadii reeraha haday noqoto dibad & gudaba iyaga ayaa Hooyo & Aaboba noqday.

Iyaga ayuu ku tiirsamay dhaqaalihi reerku waxaanay ku khasbanaadeen in ay qabtaan shaqooyinka ugu dhibka badan. Taasi waxay keentay isbadel xoogan oo ku yimaada bulshada waalidiintiina waxay ku dhiiradeen in ay ubadku (Lab & Dhedig) si isku mid ah dugsiyada loogu wada diro. 10 sannadood ee u danbeeyay heerka waxbarashada habluhu waxa ku kordhayay xawaare aad u sareeya.

Caqabad

Caadooyinkaa soo jireenka ah ee aynu kor ku xusnay in ay sida dabaysha ina dhaafaan kollayba ma rajaynayno oo horumarku wakhti buu qaataa, in khalad la saxaana wakhti bay u baahan tahey.

Imika caqabadii u weynayd oo ahayd waxbarasho la,aan way ka baxeen haweenkii; oo ubadkii si isku mid ah amaba isku dhaw ayaa imika waxbarashada loogu wada diraa, balse dhibtu waxay ka taagan tahey markii waxbarashadii lasoo dhameeyo suuqii shaqada.

Ama wiil ha ahaado ama gabadh ha ahaatee qof walba hami & hiigsi buu leeyahay. Marka garaadka la kobciyo oo aqoon lagu guraya hab fakarka qofku wuu is badelayaa dabcan habluhu marka ay wax bartaan ee ay ilaa heer jaamacadeed gaadhaan waxa ay doonayaan in ay raggii wax la qeybsadaan oo ay wadankooda, bulshadooda, qoyskooda & nafahoodaba wax ku taraan.wali waxaa sii jira oo aynu dabada haysanaa dhaqankii qalafsanaa ee ay awowyaasheen ku dhaqmayeen oo haweenkii wax bartay fursada ay raggu ka helayaan suuqa shaqada ku lamida inay kahelaan wali maynaan gaadhin wallow ay isbadelo jiraan haddana heerkii loogu talo galey wali ma ay gaadhin ha noqoto dhanka Dawladda & dhanka Shicibkabee.

Tusaale waxa jira shirkado siyaasadooda shaqo ay ku jirto in aanay dumar shaqaaleysiin. Shirkada isgaadhsiinta ee Telesom waa shirkadaha ugu waaaweyn wadanka dhawr sanadood ka hor lagama soo helayn wax dumar ah oo ka hawl gala imika se shaqaale waynaheeda 3% ka mid ah hadaanay ka yaran ba ayaa ah haween ah inta kale waa rag. dadka ay u adeegaana rag & dumarba waa leeyihiin oo Rag kaliya uma adeegaan.

Heerkaasay inaga taagan tahaye hadaba hablahan wax lasoo barayo halkee loogu talo galey?

KOOTO UMA QALMEE KASKA RAGAA I BADAY

Waxa aynu sheeganaynaa wadan dimuqraadiya in cid kooto loo xidhaana nadaamkan way kasoo hor jeedaa balse caqabadahaa soo jireenka ah iyo isbadelka wakhtiga aynu kor kusoo xusnay ee ay ka dhalatay caqabada aynu arkaynaa waxa ay keeneen in ay dumarkii dareemaan in ay wax tabayaan. Haa… waxbaa maqan, waxa maqan waxa hooyooyinka subixii dhaxanta kusoo jarmaadinaya ee cadceeda & dabaysha ay ugu duloobayaan. Baahidu iyada ayaa dadka riixda haddii ay is riixi waayaan.

Si loo arko kartida haweenka oo loola qabsado in ay dumarku ka qayb qaadan karaan siyaasada wadanka oo wax ka badeli karaan geedi socodka hawlaha umadda waxa loo baahan yahey in ay marka hore meesha yimaadaan. Taasina ma suuroobayso sababtoo ah intii aynu caqabad soo sheegnay ayaa waliba waxa usii dheer in dadkeenu yihiin kuwo ku dhaqan hab qabaa,il ah. Taasi oo caqabad weyn ku noqotay haweenkii. Siyaasadeenu malaha mabaa,dii sida umadaha kale u adeegsadaan ee waxa jira is beelaysi iyo qabaa,il taasi oo keentay in ay oday dhaqameedku go,aanada u badan ku yeeshan loolanka siyaasadeed ee wadanka. Caqabad adagna ay ku tahay haweenka in ay ka qeyb galaan loolankaa waxa jira miisaan la saaro gabadha marka ay musharaxad noqoto amaba ay meel sare soo istaagto ee ay u baahato taageero. GABADHU MA DHALASHAA MISE WAA DHAXDIN?

Haweenka Somaliland hadday isasoo sharaxaan dhibta u weyni waxay ka imanaysaa in ay ka dhaxeeye ku wax weydo oo reerkay ka dhalatay waxay leeyihiin reer kale ayey dadaalkeena ula tagaysaa kolaybee aynu ninka soo saarno, halka reerka ay u dhaxdayna ay odhanayaan reer hebel weeyaane maxaa inooga gidhiisha.

Waxaa tusaale cad inoo noqonaya haweenkii isku soo sharaxy golayaasha Baarlamaanka & deegaanka  doorashooyinkii kala danbeeyay.

Reference

https://www.unicef.org/somalia/SOM_WomenInIslam.pdf

http://www.womeninworldhistory.com/rulers.html

https://www.biographyonline.net/people/women-who-changed-world.html

https://ballandalus.wordpress.com/2014/03/08/15-important-muslim-women-in-history/

W/Q: Hibo Ciise Maxamed

hibafaakhir@gmail.com

Category: Articles