Imaaraadka Carabta Oo Dhisaya Dhuun Shidaal Oo Isku Xidha Itoobiya Iyo Eritrea

Dubai(Salaanmedia.com)-Dawladda Imaaraadka Carabta ayaa qorsheyneysa inay dhiseyso dhuun shidaal oo isku xidha magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya iyo magaalada Dekeda leh ee Assab, iyadoo tani ay calaamad u tahay saameynta waddamada Khaliijka Carabtu ay ku yeelanayaan dalalka Geeska Afrika.

Di3ExUQW0AAfkg1-1024x576

Itoobiya ayaa bishii June bilowday inay si tijaabo ah u soo saarto Saliideeda oo laga helay Keydka Koofurta Itoobiya, gaar ahaan dawlad deegaanka Soomaalida, waxaana ay u baahnaan doonta in loo maro Eritrea si ay u dhoofiso.
Warbaahinta dowladda Itoobiya ee Fana ayaa shaacisay kulan dhex maray Raysal Wasaare Abiy Ahmed iyo Wasiiru Dawlaha arrimaha Iskaashiga Caalamiga ee Imaaraadka Carabta haweeneyda lagu magacaabo Reem Al Hashimy, kaasoo looga hadlay qorshaha Imaaraadka Carabta ku maalgelinayo dhuun shidaal oo isku xidhi doona magaalooyinka Addis Ababa iyo magaalada Assab.
Tallaabada Imaaraadka Carabta ku dhisayo dhuun shidaal oo isku xidha Addis Ababa iyo magaalada Assab ee Ertirea ayaa qeyb ka ah heshiisyo saddex geesood ahaa oo dhex-maray Dawladdaha Imaaraadka, Itoobiya iyo Eritrea.
Imaaraadka Carabta ayaa door weyn ku lahaa heshiiskii dhex maray Itoobiya iyo Eritrea oo ay ku soo af-jareen colaadii 20-ka sanno u dhaxeysay, waxaana labada dal u bilowday xidhiidh diblomaasiyadeed iyo iskaashi.
Is-bedelada ka socda Gobolka ee ku saleysan loolanka ayaa u muuqda mid marba marka ka dambeysa ay saameyntiisa ay sii xoogeysaneyno, iyadoo Imaaraadka Carabtu uu si weyn u wado olole ka dhan ah dawladdaha Soomaaliya iyo Jabuuti.