Itoobiya oo heshiis nabadeed la gashay Mid ka mid ah jabhadihii dagaalka kula jiray..Aug 07.18

Itoobiya oo heshiis nabadeed la gashay Mid ka mid ah jabhadihii dagaalka kula jiray..Aug 07.18

Xukuumada Itoobiya ayaa heshiis nabadeed la saxiixatay jabhadda hubeysan ee OLF (Oromia libration front). iyadoo Heshiiska lagu saxiixay magaalada Asmara ee caasimadda dalka deriska ah ee Eritrea oo saldhig u ah jabhaddan.

Wasiirka warfaafinta ee dalka Eritrea Yemane Gebremeskel ayaa sheegay in hadda wixii ka dambeeyay jabhadda OLF ay si nabad ah hawlaheeda siyaasadeed ugu qabsan karto gudaha dalka Itoobiya.

Jabhaddani ayaa bishii la soo dhaafay ku dhawaaqday xabbad joojin kaddib muddo sanado ah oo ay dagaal ba’ani kula jirtay dowladda Itoobiya.

OLF ayaa dooneysay in gobolka Oromia ee ay degto qowmiyadda ugu tirada badan dalkaasi Itoobiya ee Oromo uu ka tashado aayahiisa.

Baarlamaanka dalka Itoobiya ayaa dhawaan jabhaddani iyo jabhado kale oo mucaarad ah ka saaray liiska kooxaha argagixisada ahi.

Talaabadan ayaa timid kaddib markii ra’iisal wasaaraha cusub ee dalkaasi Abiy Axmad uu la yimid isbadalo siyaasadeed oo xal loogu raadinayo dhibaatada Itoobiya ka taagneyd.

oromo