Madaxweyne Muuse Biixi Oo Kulan Gaar Ah La Qaatay Guddiga Agaasinka Dekedaha Iyo Free Zone-Ka & Arimaha Ay Ka Wada Hadleen + [ Sawiro / Muuqaal ]

Hargaysa (Salaanmedia.com)_ Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland,
Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa kulan gaar ah la qaatay guddida agaasinka iyo goobaha cashuuraha ka caaggan (Free zone) ee marsada caalamiga ah ee Berbera.

https://youtube.com/watch?v=SiwvB9JGtwE

Kulankan oo ujeeddadiisu ahayd sidii dardar-gelin loogu samayn lahaa dib-u-ballaadhinta marsada Berbera iyo casriyeynteeda, isla markaana loo gudo geli lahaa hirgelinta heshiiskii shirkadda DP World hore loola galay, ayaa lagu lafo-guray guulaha laga gaadhay sidii qorsheyaal muuqda oo la raaci karo loogu samayn lahaa gaadhitaanka yoolka fog oo ah sidii ay marsada Berbera u noqon lahayd deked casri ah oo la tallaabsata dekedaha kale ee dhiggeeda ah.
Guddiga, ayaa dhankooda madaxweynaha uga xog-warramay halka ay hawsha dib-u-ballaadhinta iyo casriyeynta dekedda Berbera marayso, qorsheyaasha mustaqbalka dhaw iyo sidii loo gudo geli lahaa, loona hirgelin lahaa dhammaanba qodobbadii ku xusnaa heshiiskii ay Somaliland la gashay shirkadda DP World ee ballaadhinta dekedda Berbera.

39109219_1778116862302159_3711201057729150976_n

39294840_1778116818968830_6522677394036228096_n