Suurto Gal Ma Aha In Kominshanka La Bedelo ..” Xukuumada Madaxweyne Muuse Biixi + [ Akhriso ]

Hargaysa (Salaanmedia.com)_ Xukuumadda Somaliland, ayaa jawaab ka
bixisay mowqifka xisbiga WADDANI oo muran ka keenay sharciyada guddida doorashooyinka Somaliland.

IMG_23CC43-E237B7-1316A3-A48418-CBFA79-548EF7

Warsaxaafadeed ka soo baxay xafiiska Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo wacyigelinta Somaliland Md. Cabdiraxmaan Cabdilaahi Faarax (Guri-barwaaqo) oo ay faafisay wakaallada wararka Somaliland ee SOLNA ayaa u dhignaa sidan:-
“Jamhuuriyadda Somaliland waa mid ay wada leeyihiin ummadda ku dhaqani, waxaana dhammaantood ku waajib ah inay wada ilaaliyaan ku dhaqanka shuruucda iyo xeerarka dalka, wax kasta oo la isku qabtana loo raaco wixii sharcigu jideynayo.
Tusaale ahaan, Komishanka doorashooyinka qaranka ee hadda gacanta ku haya shaqada, waxa markii la sameynayey lagu dhisay xeer, iyadoo toddobada xubnood ee uu ka kooban yahay komishanku ay xukuumadda, Baarlamanka iyo axsaabta qaranku mid waliba keenay xubnaha xeerka doorashooyinku siiyey, kadibna ay sidaa ku qabteen doorashadii madaxtooyada ee 2017kii.
Qabashada doorashada macnaheedu, waa tartan u dhexeeya dhinacyo kala duwan oo cidi ku guulaysanayso, cidna laga guulaysanayo, iyadoo loo marayo dariiqa uu jideynayo xeerka doorashadu, sidaa awgeed waxa cid kasta waajib ku ah inay ixtiraamto natiijada ay soo saaraan guddida doorashooyinka, haddii kale waxaynu noqonaynaa ummad aan ku dhaqmin oo aan dhawrin xeerarkii ay iyagu dhigteen.
Komishanka qaranka ee doorashooyinku wuxuu leeyahay muddo xilliyeed cayiman. Magacaabistooda, ansixintooda iyo waqtiga beddelkooduba wuxuu ku cad yahay xeerka doorashooyinka.
Sidaas darteed, suurtagal maaha in iyagoo aan dhammeysan muddadoodii la beddelo, iyadoo la dhawrayo nidaamka sharci ee lagu dhisay oo ay tahay dhammaanteen in aynaan ku xadgudbin, murana ka keenin doorashooyinka kadib, innagoo u aaneyna guuldarro.
Haddaba, arrinta la-yaabka lihi waxay tahay, in xisbiga WADDANI uu hore u aqbalay natiijadii doorashada, haddana mar kale madmadow geliyey in laga guulaystay, balse haddana uu yidhaahdo “Madaxweyne” markaa goormay sax yihiin? Sidayse dunidu inoo arkaysaa marka aynu iska indho tirno ku dhaqanka shuruucda aynu wada dhiganay,iyadoo aynu nahay dal weli dunida ka doonaya ictiraaf?
Wakhtigii doorashada madaxtooyada waxaynu oggolaanay in goobjoogeyaal caalami ahi ka soo qaybgalaan doorashadaas, si ay markhaati uga noqdaan sidii ay u dhacday , waxase ayaan darro ah in Dr. Micheal Walls oo ka mid ahaa lixdankii goobjooge ee ka kala socday 27ka waddan, in markii uu dalka dib ugu soo laabtay dabayaaqadii bishii hore ee July loogu hanjabay in haddii uu dalka dib ugu soo laabto uu wixii gaadha isagu masuul ka noqon doono,taasina waa ayaan darro kale oo dibindaabyo iyo dabinba ku ah danaha dhaqaale iyo siyaasadeed ee dalka.
Waxaan u sheegaynaa cid kasta in dalka JSL uu yahay dal nabdoon oo aan cidna waxba lagu yeeli karin, looguna hanjabi karin, Dr. Micheal Walls iyo cid kasta oo dalka dano u leh way iman karaan, kuna soo laaban karaan xilliga ay doonaan,iyadoo xukuumadda Somaliland horeba u damaanad qaaday ammaanka muwaadiniinta iyo dadka ajaanibka ah ee martida u ah, waxaanan kula talinaynaa dadka sawirka taban ka bixinaya dawladnimada iyo nabadgelyada Jamhuuriyadda Somaliland inay dhawraan sharafta iyo karaamada dadka iyo dalkaba.