Waa In Maxkamad La Soo Taago Cabdi Ilay ..” Human Rights Watch +[Muuqaal ]

Hargaysa (Salaanmedia.com)_ Dawladda Itoobiya waa in ay
samaysaa baadhitaan madax bannaan oo qoto dheer oo ay ku samaynayso tacadiyadii aadanaha iyo meel ka dhacyadii xeerarka dagaalka ee sannadaha badan ka socotay Dawlad Deegaanka Soomaalida Iyoobiya, ayaa lagu yidhi warbixin ay maanta soo saartay hay’adda xuquuqda aadanaha u dooda ee Human Rights Watch.
Hay’addu waxay dalbatay in aan dadkii tacadiyadaas ka dambeeyay la isku qabanin ee mid mid loo kala qaado.

Halkan Hoose Ka Daawo Muuqaalka Warkan

https://youtube.com/watch?v=GwvCtp5YoKU