Waxqabadka Dhaqaale Ee Bariga Afrika sanadkii 2017 iyo halka Soomaaliya kaga jirtay…Aug 08.18

| August 8, 2018

Dhaqaalaha Bariga Afrika ee 2017-kii waa ka fiicnaa afarta gobol ee kale (Waqooyiga Afrika, Koofurta Afrika, Bartamaha Afrika, iyo Galbeedka Afrika) iyo guud ahaan qaaradaba. Celceliska Kobaca Dhaqaalaha (average economic growth) ee wadamada Bariga Afrika ee 2017-kii wuxuu ahaa 5.9% (2016: 5.3%). Waxaa ugu fiicnaa wadamada Ethiopia (8.1%), Tanzania (7.2%), iyo Djibouti (6.7%). Waxaa ugu liitay South Sudan (-14%), Burundi (2%), Somalia (2.4%), iyo Eritrea (3.4%).

Khubarada cilmiga dhaqaalaha waxay saadaaliyeen in kobaca dhaqaalaha Bariga Afrika uu sii kordhi doono 2018-ka iyo 2019-ka. Waxaa saacidaya kobaca dhaqaalaha gobolka wax soo saarka beeraha iyo warshadaha oo kor u kacay iyo maalgalinta kaabayaasha dhaqaalaha (Tamarta, Biyaha, Jidadka, iyo Teknoolijiyada Internet ka iyo Isgaarsiinta).

Ahmiyadda Xaaladda Dhaqaale

Macluumaadka waxqabadka dhaqaale (information on economic performance) ee waddanka, gobolka ama adduunka waxay muhiim u tahay shaqada iyo go’aanada maamulayaasha shirkadaha ganacsiga, madaxda Bangiga Dhexe iyo Wasaaradda Maaliyadda ee maamula siyaasadda lacagta iyo miisaaniyadda dowladda (monetary and fiscal policies), maalgashadayaasha, iyo aqoonyahanada dhaqaalaha iyo maareynta ganacsiga. Laba dhinac ayaa laga fiiriyaa waxqabadka dhaqaale:

(A) Wadarta Wax Soo Saarka (Aggregate Supply) ee beeraha (agriculture), warshadaha (industry), iyo adeegyada (services). Wax soo saarka beeraha ayaa 41% ka ah dhaqaalaha wadamada Bariga Afrika; warshaduhu waa 39%. Wax soo saarka beeraha Bariga Afrika ayaa kordhay 5% 2017-kii; Warshadahana 10.50%.

Howlaha iyo koboca dhaqaale ee Soomaaliya waxay ku qotomaan wax soo saarka beeraha iyo adeegyada. Colaadda, Abaaraha, fatahaadda wabiyada, biyo la’aanta, jidadka xiran, iyo qalab la’aantu waxay aad u saameeyaan wax soo saarka beeraha, adeegyada iyo dhaqaalaha guud ee Soomaaliya.

(2) Baahida/Dalabka Guud (Aggregate Demand) ee isticmaalka qoyska (household consumption), maalgashiga (investment), kharajka dowladda (government expenditure), dhoofinta iyo soo dejinta (export and import).

Waxaa soo badanaa dadka ku jira heerka dakhliga dhexe (middle-income class) iyo dhismaha ee wadamada Bariga Afrika. Marka isticmaalka qoyska iyo maalgalinta

kaabayaasha dhaqaalaha ayaa aad ugu muhiimsan kobaca dhaqaale ee wadamada Bariga Afrika.

Tilmaamayaasha Xaaladda Dhaqaale

Waxaa jira warbixino iyo tilmaamayaal (indicators) badan oo muujinaya waxqabadka dhaqaale iyo xaaladda guud ee nolosha dadka. Kuwa ugu muhiimsan tilmaamayaashaas waxaa ka mid ah:

1. Wax Soo Saarka Dhabta ah ee Gudaha (Real Gross Domestic Product or GDP)

GDP waa qiimaha lacageed ee dhammaan badeecada iyo adeegga laga soo saaray ama lagu sameeyay dalka muddo sanad ah (ama saddex bilood). Erayga “Dhabta” (Real) waxaa loola jeedaa in isbadelka sicirka badeecada uusan saameyn ku lahayn tilmaamaha.

Tilmaamaha GDP wuxuu muujiyaa hodannimada dalka iyo heerka nolosha ee dadka. Wadamada barwaaqada ah, waxay leeyihiin GDP aad u sareeya. GDP Soomaaliya waa $7.37 Billion (2017); Ethiopia $80.56 Billion (2017); Kenya $74.94 Billion (2017).

2. Tusaha Sicirka Badeecada (Consumer Price Index or CPI)

CPI waa qiyaas ah sicirka guud ee badeecada iyo adeegyada magaalada ee bil kasta iyo sanadkii. Isbadalka ku dhaca CPI ee laba bilood (ama sanadood) ee isxiga ayaa laga cabiraa Heerka Sicir Bararka (Headline Inflation Rate) wuxuuna tilmaamaa kharajka nolosha (cost of living).

Sicir Bararku aad ayuu saameeyaa nolosha dadka shaqo la’aanta ah iyo kuwa qaata mushaar iyo biil go’an. Waxaa badanaa ka dhasha haddii sicir bararku xarga goosto banaan baxyo iyo kacdoon dadweyne. Sicir bararka Soomaaliya ee sanadkan waa 3.96% (June 2018); Ethiopia 13.7% (June 2018); Kenya 4.28% (June 2018).

3. Wadarta Guud ee Lacagta (Money Supply)

MS waa wadarta guud ee lacagta dhex wareegta suuqyada, lacagta jeebabka ku jirta iyo tan kaydka dadka u yaaal bangiyada (saving deposits). Lacagta suuqa taal oo badata waxay keentaa sicir barar. Haddii ay yaraatana oo lacagtu cariiri noqoto, waxaa yaraada ganacsiga iyo kobaca dhaqaalaha. Maareynta lacagta si la isugu dheelitiro sicir bararka iyo kobaca dhaqaalaha waa howsha ugu muhiimsan ee laga rabo Bangiga Dhexe.

4. Heerka Shaqo La’aanta (Unemployment Rate)

Muruqa iyo maskaxda dadku waa xoogga wax soo saar ee ugu muhiimsan. Shaqo la’aantu waxay tilmaamee xoog iyo maskax badan oo wax soo saari kara oo weliba raba in ay shaqeeyaan oo dayacan waxayna keentaa in wax soo saarka dhaqaale ee dhabta ah (actual output) uu ka hooseeyo wax soo saarka suurtagalka ah (potential output).

Waxaa ka dhasha shaqo la’aanta dhibaatooyin bulshado sida fakhri, falal dambi, caafimaad xumo, musuqmaasuq, qof jeclaysi, iyo colaad. Xafiiska Xog Ururinta Qaranka (National Statistics Office) wuxuu qabaa in heerka shaqo la’aanta Soomaaliya ay hayd 24.8% sanadkii 2014 (www.dns.org.so). Xogta Bangiga Adduunka waxay tilmaamee in heerka shaqo la’aanta ee dhalinyarada Soomaaliya (15 ilaa 24 jir) ay tahay 10.73% (2017).

5. Tusaha Wax Soo Saarka Warshadaha iyo Badeecada Taal Bakhaarada (Manufacturing and Inventory Index)

Badeecada bakhaarka taala oo badata, waxay tilmaamee in dalabka iyo iibka shirkaduhu uu hoos u dhacay. Shirkadaha ganacsigu waxaa laga filan karaa markaas in yareeyaan wax soo saarka iyo badeecad keenista iyo in ay xiraan dukaamadooda ama xarumahooda ganacsi qaar oo ay dhimaan shaqaalaha mudada dheer.

Talobixin

Waxaan ugu baaqayaa Xafiiska Statistikada ee Wasaaradda Qorshaynta Qaranka in uu ururiyo oo faafiyo ugu yaraan lixdaas tilmaamayaal.

Sidoo kale, waxaan ugu baaqaa in madaxda dalka, maamulayaasha shirkadaha, iyo aqoonyahanada Soomaaliyeed ay la socdaan xogta iyo tilmaamayaasha dhaqaalaha dalka oo go’aamada ay gaaraan ku saleeyaan xaaladda dhaqaale iyo siyaasadeed ee dalka, gobalka iyo adduunka.

Waxaa ka jira Bariga Afrika fursado keeni kara kobac dhaqaale sida wadamada Shiinaha iyo Turkiga oo raba in ay Afrika maalgashtaan, isu soo dhawaashaha dhaqaalaha wadamada Bariga iyo Koofurta Africa (COMESA), dalabka gudaha (domestic demand) oo xoog leh, Turkiga oo raba in uu ka mid noqdo kooxda BRICS iyo maalgalinta kaabayaasha dhaqaalaha oo si xoog ah u socda.

Sidoo kale, waxaa jira caqabado keeni kara dib u dhac dhaqaale, haddii aan wax laga qaban caqabadahaas. Waxaa ka mid ah dowladda Imaaraatka oo dagaal ugu jirta in ay horistaagto dhismaha dekedaha gobolka si ay u difaacdo dekeddeeda Jabel Ali ee

Dubai, sarifka lacagaha oo hoos u dhacay sida lacagta Shiinaha, Turkiga, Koofur Afrika, iyo Hindiya, iyo wadamada gobolka oo ku jira naaqus miisaaniyadeed (fiscal deficit).

Si looga faa’idaysto fursadaha dhaqaale loona yareeyo dhibaatada ka dhalan karta caqabaha jira, waxaa ila quman in dib loo habeeyo qaab dhismeedka dhaqaalaha (economic structural reforms), in lala tacaalo waxyeelada cimilada, in dib u eegis lagu sameeyo canshuuraha, in la abaabulo kordhinta kaydka dadweynaha (savings mobilization) iyo in la maalgaliyo kaabayaasha dhaqaalaha, tacliinta, xirfadaha, caafimaadka, iyo awoodda waxqabasho ee dadka.

Waa in la ciribtiro musuqmaasuqa, la fududeeyo howlaha dekedda, madaarka, goosashada shatiyada ganacsiga iyo dokumentiyada kale iyo kordhinta dakhliga dowladda.

Sidoo kale, waa in la yareeyo isbadelka faraha badan ee lagu sameeyo Golaha Wasiirada iyo madaxda kale ee dowladda. Kobac dhaqaale wuxuu u baahan yahay jawi siyaasadeed oo xasilan.

Wa Allahu Yaclam.

Dr. Ismail Ali Siad

Faculty of Postgraduate Studies, MBA Program

University of Somalia (Brighter Future)

pgc@uniso.edu.so; vc@uniso.edu.so; www.uniso.edu.so

Category: Articles