Kornayl Ka Tirsan Jabhadda Kornayl Caarre Oo Soo Gaadhey Gobolka Sanaag + [ Ujeedkiisa ]

Ceerigaabo (Salaanmedia.com)_ Kornayl Jamaal Baaxad
oo hore uga tirsanaa ciidamada Qaranka Somaliland dhowaana ku biiray jabhadda uu hogaamiyo Kornayl Caarre ayaa soo gaadhey degmada KULMIYE oo ka tirsan gobolka Sanaag.

IMG_2C3D03-416D9A-D80B3C-DEF012-434694-279A3B

Sarkaalkan oo la sheegaayo in uu wato dhawr askari iyo gawaadhi ciidan ayaa degmadaasi soo gaadhey , iyada oo aan la ogayn ujeedada socdaalkiisa iyo waxa uu daaran yahay.
Waxaana gaadiidka uu wato kamid ah gaadhigii Caafimaadka degmadda Xiis oo ay jabhaddaasi dhowaan afduubatay, iyada oo ay wararka qaarkood sheegayaan in uu gaadhigaasi soo celiyey Kornaylku, halka kuwo kalena sheegayaan in uu kazoo goostay jabhadda Caarre.
Ilaa hadda ma cadda sababta sarkaalkaasi u yimid degaankaasi, lama oga in uu ku biiri doono ciidamada Qaranka Somaliland oo uu hore uga tirsanaa iyo in uu gaadhigan wareejin doono dibna u noqon doono.