Madaxweyne Farmaajo oo u ambabaxay Addis ababa iyo xog ku aadan ujeedada socdaalkiisa..Sep 12.18

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa saaka ka ambabaxay magaalada Muqdisho iyagoo ku sii jeeda magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya.

Wafdiga madaxweynaha ayaa waxaa ka mid ah wasiiro iyo xildhibaano ka tirsan goleyaasha dowlada

Ujeedada safarka madaxweynaha iyo wafdigiisa ayaa waxaa lagu sheegay sida aan xogta ku helnay ka qeyb galka shir ay isugu imaanayaan Madaxda IGAD oo manta ka furmaya magaalada Addis Ababa.

Waxaa shirkan looga hadli doonaa xaalada dalka Eriteria iyo sidii uu mar kale xubin uga noqon lahaa Urur gobaleedka IGAD.

Todobaadkii hore ayay ahayd markii Madaxda wadamada Somalia, Itoobiya iyo Eriteria heshiis iskaashi ku kala saxiixdeen magaalada Asmara.

Madaxweynaha Eritreya ayaa markii ugu horeysay 20 sano ka dib ka soo muuqan doona shir madaxeedka urur goboleedka IGAD.Farmaajo-oo-Maanta-u-Dhoofay-Dalka-Suudaan-3