[Somaliland] : Maayarkii Labaad Oo Sheegay In Aaney Gobaladu U Sineyn Mashaariicda SDF + [Muuqaal]

Ceerigaabo (Salaanmedia.com)_ Duqa magaalada Ceerigaabo Ismaaciil
Xaaji Nuur, ayaa sheegay in aan Xukuumadda Somaliland wax badan oo horumar ah aanay ka qaban gobolada bariga Somaliland marka la barbar dhigo kuwa Galbeedka.
Maayirku waxa kale oo uu dhaliilay xubno ka tirsan golaha wasiirrada oo muddadii sannadka ahayd ee ay xilka hayeen aan tegin Sanaag.
Waa maayirkii Labaad ee ku baaqa in mashaariicda horumarineed ee Xukuumaddu fulinayso si caddaalad ah loo qaybiyo.

Halkan Hoose Ka Daawo Muuqaalka Warkan

https://youtube.com/watch?v=GVw-PlW2IUs