Taliyihii Ciidammada Booliska Degmada Abdaal Ee Gobolka Saaxil Oo Shil Baabuur Ku Geeriyooday Madaxweyne Muuse Biixi Oo Tacsi U Diray

| September 12, 2018

Hargaysa (Salaanmedia.com)_ Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane. Muuse Biixi Cabdi isagoo ku hadlaya magaciisa, ka dawladda iyo ka shacbiga Somaliland, waxa uu tacsi u dirayaa, Ciidamada Qaranka Somaliland, gaar ahaan ciidanka Booliska Jamhuuriyadda Somaliland, waxgaradka, waayeelka, aqoonyahanka, qoyska, ehelada, qaraabada, asxaabta iyo shacbiga Somaliland ee uu ka baxay Alle ha u naxariistee Taliyihii Ciidanka Booliska Degmada Abdaal ee Gobolka Saaxil, Marxuum Laba Xidigle Cabdile Cabdi Dhimbiil oo ku geeriyooday Maanta oo ay taariikhdu tahay 11/09/2018, Shil Baabuur.

FB_IMG_1515694682627-1-720x400-150x150

Sidoo kale Madaxweynuhu waxa uu caafimaad Alle uga baryayaa inuu siiyo askartii la socotay marxuumka ee ku dhaawacan tahay shilkaa baabuur, oo ay gacanta ku hayaan xaaladooda hawl-wadeenada caafimaadku.
Madaxweynuhu waxa uu marxuumka Alle uga baryayaa inuu naxariistii janno ka waraabiyo, Ciidamada Qaranka Somaliland, gaar ahaan ciidanka Booliska Jamhuuriyadda Somaliland, waxgaradka, waayeelka, aqoonyahanka qoyska, ehelada, qaraabada, asxaabta iyo shacbiga Somaliland ee uu ka baxayna Samir iyo iimaan saadiqa ka siiyo.
Aamiin Aamiin Aamiin
Maxamuud Warsame Jaamac
Af-hayeenka Madaxweynaha JSL.

Category: Warka