Wararkii Ugu Danbeeyey Abaandule Dhawaan U Goostey Jabhada Taliye Caare Oo La Sheegay Inuu Dib Ugu Soo Noqdey Ciidanka Somaliland

Ceerigaabo (Salaanmedia.com)_ Abaan-Duulihii Saldhiga Saddexaad ee
ciidanka qaranka somaliland Gaashaanle dhexe Gamaal Maxamed Baaxad oo lagu waday inuu maanta dib ugu soo laabto ciidanka qaranka Oo hore uga goostay ayaa dib u dhac ku yimid,kadib markiilagu war galiyay in lawado qorshe Ay Xukuumadu ku xidhayso.

IMG_D9D4DC-CC2919-99AB86-C6972B-12AA2A-BC1F3D

Wararka ayaa sheegaya in taliyahu hadda ku sugan yahay deegaanka hal-dhaagan oo Kaabiga U Saaran Deegaanka Kulmiye Oo Ka Tirsan Gobolka Sanaag,waxaana ay wararku intaas ku darayaan in goobta taliyahu joogo ay hadda ku sugan yihiin salaadiin Iyo Caaqilo ku qancinaya inuu dib ugu soo laabto Ciidankii Uu ka Tirsanaa.
Warar kale Oo ayaa sheegaya in Taliyuhu doonayo inuu dib u soo celiyo Gaadhi caafimaad oo horre ciidan isagu hogaaminayo Uga Dhaceen Magaalada Xiis iyo Maydh,balse aanu wadin qorshe uu dib ugu soo noqonayo.