5-Ta Caasimadood Ee Ugu Quruxda Badan Caasimadaha Adduunka Iyo Sida Ay U Kala Horreeyaan

ld

Lawadaag Asxaabta…
Caasimadaha adduunku waxa ay ku kala horreeyaan qaabab kala duwan dhinaca quruxda iyaga oo ku tartama hadna bilicda iyo dhammaan arrimaha lagama maarmaanka u ah quruxda iyo cilis ay ku soo jiidan karto indhaha caalamka. Qormadan kooban oo aan ka soo xiganay shabakadda aqoonkaab waxa aan ku eegi doonaa shanta Caasimadood ee la sheegey in ay ugu bilix roon yihiin waxaana calanka u sidda caasimadda wadanka Ingiriiska ee London. Qiimayntan waxa laga qaaday dalxiisayaal.

1 .LONDON

ld-1

London caasimada Boqortooyada England waxay liiska ka gashey kaalinta koobaad waa goob soo jiidasho leh, kaalinta koobaad waxaa u doortay Dalxiisayaasha dunida kadib markii afti laga qaaday.

2 Islamabad

Pakistan-Islamabad-Damanekoh-View

Magaala madaxda wadan ka Pakistan ee Islamabad waa mid ka mid ah magaalooyinka ugu qurxoon dunida. Waxay ku caan baxday qurux, waa magaalo aad usoo jiidatay indhaha dadka dalxiisayaasha sannadihii ugu dambeeyey waxaanay u doorteen Kaalinta labaad. Inkasta oo dhibaatooyinka kooxda Daalibaan ee dalka Pakistan hoos u dhac weyn ku keeneen dhinaca dalxiiska.

3 Berlin

Processed with VSCO with hb1 preset
Processed with VSCO with hb1 preset

Waa caasimadda Waddanka Germany,waxaanay ka mid tahay 16-ka gobol ee waddankaasi. Berlin waxay ku jirtaa caasimadaha ugu qurxoon dunida, iyadoo awood uyeelatay inay ka soo kabato burburkii 1945 dagaalkii labaad ee dunida.

4 Washington

asonbeoxc84ux4oklgm6

Caasimadda waddanka ugu quwadda wayn adduunka ee USA. Waxaa la aasaasay 1791kii. Sidoo kale waa meesha 24aad ee ugu caansan dunida.sidaa si lamid ah waxay ku guulaysatay inay noqoto caasimadda 4aad ee ugu qurxoon dunida. Washington waxa sannad walba dalxiisayaal u taga malaayiin qof oo daafaha dunida isaga kala yimaad waana magaalo aan lahayn dhismayaal dhaadheer balse waxa ku yaalla dhismayaal taarikhi ah iyo badiba xarumaha looga taliyo wadanka Maraykanka.

5 Paris

Paris waa caasimadda France waxay nasiib u heshay inay ka mid ahaato 10ka Caasimadood ee dunida ugu quruxda badan kadib markay dadkeedu galiyeen dadaal aad uwayn. Marka laga yimaado caasimadaha waa magaalada ugu qurxoon dunida. Waxa loo yaqaanaa Caasimaddii Nuurka ama Ilayska waxaana jecel dalxiisayaasha oo aaad u boqda sannad walba. Caasimadee Jeceshahy Inaad Ku Dalxiisto?