Baarlamaanka Itoobiya Oo Cod Aqlabiyad ah Ku Ansixiyay Golihii Wasirrada Ee Cusbaa

Addes Ababa (Salaanmedia.com) Xildhibaannada Baarlamaanka Itoobiya ayaa cod aqlabiyad ah ku ansixiyay golihii wasirrada ee uu soo magacabay Ra’iisul Wasaaraha dalkaas, Abiy Ahmed, kuwaasoo 20 xubnood ka kooban.

jj-1-1024x512

Golahan cusub ee Wasiirrada ayaa 10 ka mid ah waxay yihiin haween halka inta kalena ay yihiin rag, waxaana ku jirta haweeney markii ugu horreysay loo magacaabay wasiirka gaashaandhigga Itoobiya.
Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya ayaa sheegay in tallaabadan ay qayb ka tahay sidii lagu xoojin lahaa amniga iyo dhaqaalaha dalka, kaddib rabshoado ka soday dalkaas muddo sannado ah.
Sidoo kale, Golaha Wasiirrada ayaa waxaa ku jira beelo aan horay uga mid noqon jirin golaha wasiirrada, iyadoo shacabka Itoobiya ay intooda badan soo dhaweeyeen, inkastoo ay jiraan dad dhaliilsan haweenka badan ee lagu soo daray wasiirrada.
Mar uu ra’iisul wasaaraha Itoobiya ka hadlay sababta uu haweenka ugu soo badiyay golihiisa wasiirrada cusub, ayaa sheegay inay qayb ka tahay qorshe uu ku doonayo inuu ku yareeyo musuqmaasuqa.
“Haweenku waa ka musuq-maasuq yar yihiin ragga, waana taas sababta aan ugu soo daray golahan cusub ee wasiirrada haweenk tiradoodu ay gaarayaan toban, kuwaasoo ay ku jiraan kuwo haya xilal culus,” ayuu yiri Abiy Ahmed.
Dhanka kale, Wasiirka Maaliyadda Itoobiya oo ka mid ah jagooyinka sare ayaa waxaa loo magacaabay Axmed Shidde oo Soomaali ah, waxaana tani ay noqonaysaa markii ugu horreysay oo ruux Soomaali ah xilkaan loo dhiibo.
AKHRISO: Magacyada 10-ka Wasiir ee Haweenka ah;
1. Mufuriat Kamil, Wasiiradda Nabadda
2. Aisha Mohammed, Wasiiradda Difaaca,
3. Adanech Abeebe, Wasiiradda Dakhliga
4. Fetlework Gebre-Egzihaber, Wasiiradda Ganacsiga iyo Warshadaha
5. Degmawit Moges, Wasiiradda Gaadiidka
6. Hirut Woldemariam, Wasiiradda Tacliinta Sare iyo Sayniska
7. Yalem-Tsegay Asfaw, Wasiiradda Dhallinyarada, Haweenka iyo Carruurta
8. Ergoge Tesfay, Wasiiradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada
9. Hirut Kassaw, Wasiiradda Dhaqanka iyo Dalxiiska
0. Fitsum Assefa, Wasiiradda Qorsheynta iyo Guddiga Horumarinta
AKHRISO: Magacyada 10-ka Wasiir ee Ragga ah ;
1. Workneh Geneyehu, Wasiirka Arrimaha Dibadda
2. Axmed Shidde, Wasiirka Maaliyadda
3. Omar Hussein, Wasiirka Beeraha
4. Getahun Mekuria, Wasiirka Hal-abuurka iyo Tiknolojiyadda
5. Jantrar Abay, Wasiirka Dhismaha iyo Horumarinta Reer Miyiga
6. Sileshi Bekele, Wasiirka Biyaha, Waraabka iyo Tamarta
7. Wasiirka Macdanta iyo Shidaalka, Samuel Hurka
8. Tilaye Gete, Wasiirka Waxbarashada
9. Amir Aman, Wasiirka Caafimaadka
0. Xeer-ilaaliyaha Guud, Birhanu Tsegaye – Xil u dhigma Wasiir
Ugu dambeyn, Golahan cusub ee xukuumadda Itoobiya ayaa waxay si rasmi ah hawsha ula wareegi doonaan maalinta Arbacada ah, iyadoo tallaabadan si weyn looga hadal hayo waddanka Itoobiya oo dhan.