Boos Mirow, Jiirkii Libaaxa La Dhashay Baa Tahay Wuxuu Faysal Shalay Ahaana Wax Aad Maanta Tahay Ayaa Ka Xun..”Cismaan Cumar Dool.

Hargaysa (Salaanmedia.com)_ Siyaasiga Cismaan Cumar Dool Oo
ka mid ah qurba joogta reer Somaliland ee ku sugan wadamada reer galbeedka si wayna uga hadlay guud ahaan siyaasada Soomaalida gaar ahaana Somaliland ayaa u jawaabay Wasiirka Dhalin yarada iyo Ciyaaraha Somaliland Boos Mirre Maxamed Oo ay Walaal Yihiin Mujaahid Axmed Mirre Maxamed,Qoraal uu soo dhigay Bartiisa Facebook siyaasi Cismaan Cumar Dool ayuu wax lala yaabo Ku tilmaamay difaac Wasiirka Ciyaaruhu difaacay siyaasada Madaxwayne Muuse Biixi Cabdi Somaliland ku hagayo iyadoo Wasiirku isku dayey inuu u jawaabo Eng Faysal Cali Waraabe Gudoomiyaha Xisbiga UCID Oo goob fagaara ah si wayn uga dhaliilay Xukuumada Madaxwayne Muuse Biixi Cabdi Oo ku tilmaamay mid shacbiga Somaliland kala qaybinaysa sidoo kalena burburinaysa.

44115717_2057727664537832_4038643239752826880_n

Siyaasiga Cismaan Cumar Dool Oo Wasiir Boos Mirre la hadlaya ayaa yidhi.
“Inkasta oo aanan Faysal Cali Waraabe ku raacsaneyn cayda iyo cunsuriyada uu Somalida ku sameeyo hadaan waxaan ogahay hadii uu doono inuu yahay ninka keliya ee Somaliland saxi kara waa hadii aanu ku milmin nidaamkaa dadka reer Somaliland kala fogeeyay.
Runtiina Boos Mirrow waxa la wada og yahay inaad tahay Jiir ama Dooli uur la jiifsaday Libaaxa Axmed Mire ee waxaanu ku leenahaywaa run hadalka Faysal ee ah in Somaliland burburkeeda looga baqanayo Muuse Biixi oo keliya ee aan cid kale looga baqandynin,wuxuu shalay Faysal ahaa eeaad is leedahay ku cayna waxaa 100% ka xun oo ka liita waxaad adigu maanta tahay. Faysal Cali Waraabe isagu Dawlad ayuu u shaqaynayey laakiin adigu maanta waxaad u shaqaynaysaa reer Markaas ayaad doonaysaa in aad waliba difaacdo dhaliilahooda sida cadceeda u muuqda waxaan ku odhan lahaa dhuumo oo ha hadlin hadal aan dhaawac mooyane dheef kuu keenaynin waa hadii aad damiir leedahay.
Alla Mahad leh.
Osman Omar Dool
Oslo Norway