Ciidamo Gadoodsan Oo Ka Cabanaya Mushaar La’aan Oo Xidhay Waddooyinka Magaalada Garoowe

Garoowe (Salaanmedia.com)_ Wararka ka imaanaya magaalada Garowe ee Caasimadda Puntland ayaa sheegaya inay gadood sameeyeen Ciidamada Madaxtooyada, kuwaasoo ka cabanaya mushaar la’aan heysata muddo bilo ah.

Madaxtooyada-Puntland

Ciidamadan ayaa saaka isku dhiririyay wadada aada Madaxtooyada illaa Xarumaha Wasaaradaha, iyagoo diiday in la maro, waxaana dadka reer Garowe ku soo tooseen ciidamo waddooyinka goostay oo dadka u diidaya in la maro.
Gadoodka ciidamadan ayaa sababay inuu saaka hakad galo howlo maalmeedkii xarumaha wasaaradaha Puntland, iyadoo aanay inta badan shaqaalaha soo xaadirin.
Saraakiil ka tirsan Madaxtooyada Puntland ayaa laga soo xigtay in aanay Ciidamada muddo 7 bil ah qaadan mushaar, taasoo ka dambeysay gadoodka.
Dhowr jeer oo hore Ciidamada Madaxtooyada Puntland ayaa sameeyay gadood ku saabsan mushaar la’aan, inkastoo markii dambe la xalinayay