DALLADDA SONSAF OO WALAAC KA MUUJISAY BURBURKA WADA HADALLADII XISBIYADA QARANKA EE QABSOOMIDDA DOORASHOOYINKA.

Hargaysa (Salaanmedia.com)_ Dalladda Ay ku bahoobeen Ururrada Bulshada Rayidka ah ee Somaliland ee SONSAF ayaa waxa ay walaac xooggan ka muujisay burburka dhawaan ku yimid wada hadalladii u socday xisbiyada siyaasadda Somaliland ee ku aaddanaa qabsoomidda doorashooyinka Wakiilada iyo Deegaanka, waxaanay baaq talo iyo tusaalayn ah u direen Madaxda saddexda Xisbi qaran iyo waliba gaar ahaan Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi.

IMG_9490(2)

Dalladda Jilayaasha Ururrada aan dawliga ahayn ee SONSAF waxa ay sheegeen in Somaliland u baahan tahay isu tanaasul iyo sidii meel looga soo wada jeedsan lahaa qaddiyadda la xidhiidha in doorashooyinku wakhtigoodii loo cayimay ku qabsoomaan, danta caamka ahna laga horatsiiyo dhammaanba danaha gaarka ah iyaga

oo si adag Madaxweynaha ugu baaqay in uu qaato door shariif ah oo kaga aaddan sidii uu dhinacyada isugu soo jiidi lahaa ee uu isagu masuuliyad dheeraad ah isu saari lahaa, waxaanay dhinaca kale SONSAF walaac weyn ka muujisay muddo dhaafka golayaasha qaranka gaar ahaan Golaha wakiilada, taasi oo ay ku sheegeen dib u dhaca ku yimaadda mar walba doorashooyinka qaranku in ay ceeb weyn oo qaran tahay loona baahan yahay in laga koro hab-dhaqankaasi laguna dadaalo sidii loo joogtayn lahaa geeddi socodka hannaanka dimuquraadiyadda ah ee Somaliland.
Shir-jaraa’id oo Madaxda ugu sarraysa dalladda SONSAF iyo masuuliyiinta Ururradu Bulshada ee ku bahoobay SONSAF ku qabteen maanta xafiiskooda caasimadda Hargeysa waxa ka hadlay Guddoomiyaha Dalladda SONSAF Mudane Anwar Cabdiraxmaan Warsame, Agaasimaha Fulinta dalladda SONSAF Md. Maxamed Axmed Maxamuud Barawaani, iyo xubno kale oo ku hadlay magaca Ururrada Bulshada Rayidka ah ee ku bahoobay SONSAF oo ay ka mid ahaayeen Guddoomiyaha SONYO Md. Cabdicasiis Siciid Saalax iyo xubno kale.
Gabogabadii hadallada masuuliyiintan waxa halkaasi war-saxafaadeedka rasmiga ah ee dalladda SONSAF ka akhriyey Guddoomiyaha Dalladda Ururrada Bulshada Rayidka ah ee SONSAF Md. Anwar Cabdiraxmaan Warsame oo isagu ku saxeexnaa war-saxaafadeedkaasi warbaahinta loogu talo galay kaasi oo u dhignaa sidan:
“Bulshada Rayidka ah ee Somaliland waxa ay walaac ka muujinaysaa burburka ku yimi wada hadaladii u dhaxeeyay Xisbiyada Mucaaradka ah iyo Xisbiga talada haya ee ku saabsanaa xal u helidda caqabadaha ku gaddaaman qabsoomidda doorashooyinka Golaha Wakiilada, iyo Deeganada ee la cayimay in ay dalka ka qabsoomaan bisha March 2019.
Bulshada Rayidka ah ee Somaliland waxa kale oo ay ugu baaqaysaa Xisbiyada Mucaaradka ah iyo Xukuumadda Somaliland in dib dhakhso loogu bilaabo wada hadaladii burburay si looga dhabeeyo himilada dadka reer Somaliland ee ah in doorashadu ku qabsoonto wakhtigeedii.
Bulshada Rayidka ee Somaliland waxa ay ugu baaqaysaa masuuliyiinta Xisbiyada Mucaaradka ah iyo Xukumadda in ay joojiyaan hadalada xanafta leh ee ay saxaafadda isu marinayaan. Hadaladaas oo ah kuwo aan abuurayn jawi deggan oo horseedi kara in la gaadho wada-hadalo rasmiya oo lagu guulaysan karo.
Bulshada Rayidka ah ee Somaliland waxa ay u soo jeedinayaan Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Muse Biixi Cabdi in uu horseed ka noqdo tanaasul kasta oo sahlaya in wada hadaladu guulaystaan, dalkana doorasho ka dhacdo, sidoo kale, Bulshada Rayidka ahi waxa ay ku boorinayaan Xisbiyada Mucaaridka ah in ay iyana dhankooda muujiyaan tanaasul, iyada oo dhaqan siyaasadeedka Somaliland uu marwalba ahaa mid ku salaysan isu tanaasul iyo is qancin.
Ugu dambayn, Bulshada Rayidka ah ee Somaliland waxa ay xusuusinaysaa dhammaan dhinacyada ay khusayso doorashadu in dadka reer Somaliland aanay marnaba aqbali karin doorasho dambe oo wakhtigeedii dib uga dhacda.