Garaad Jaamac Garaad Ismaaciil Oo Ka Hadlay Shirar Lagu Hurinayo Dagaal Lagu Soo Qaado Somaliland Oo Ka Dhacay Magaalada Garoowe Iyo Cabdiwali Oo Dabada Ka Riixaya

Laascaanood (Salaanmedia.com)_ -Garaad Jaamac Garaad Ismaaciil oo ka mid ah madaxdhaqameedka reer Somaliland kuna sugan magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool, ayaa jawaab ka bixiyay shirar maalmihii u dambeeyay lagu qabanayay magaalada Garoowe ee xarunta maamul goboleedka Soomaaliya ee Puntland oo lagu hurinayay colaad iyo dagaal lagu soo qaado Somaliland oo uu dabada ka riixayay madaxweynaha xilku ka dhammaaday ee maamulkaas Cabdiwali Maxamed Gaas oo jid dagaal doonaya in uu u maro ku sii fadhiga kursiga xilkiisu ka dhammaaday

Garaad-jaamac-310x213

Waxaa kale oo uu garaadku ka hadlay in gobolka Sool uu yahay dad ahaan iyo deegaan ahaanba Somaliland isla markaana dawladdiisii iyo dadkiisii ay joogaan cid looga baqayaana aanay jirin, waxaanu intaa raaciyay in labada shacab ee Puntland iyo Somaliland in aan wax dhibaato ah oo dhex taalla aanay jirin oo dadku isu socdo arrimaha siyaasaddana dawladuhu isku qaban karaan laakiin is qabashada siyaasadda iyo xuduudaha dalalku ay kala leeyihiin in ay laba kala yihiin.
Waxaa kale oo uu ka hadlay halka ay marayso nabadayntii labada beelood ee walaalaha ah ee colaaddu ku dhex martay koonfurta gobolka Sool oo uu caddeeyayin ay si wanaagsan oo la isla markaana la sugayo fulinta go’aamaddii la isla qaatay oo xukuumaddu ay ballan qaaday loona daba fadhiisan doono.
Garaad Jaamac oo isagoo ku sugan magaalada Laascaanood ee Xaranuta gobolka Sool khadka taleefanka ugu warramay wargayska Dawan.
Garaadka oo la waydiiyay kulamo la sheegay in maalmihii u dambeeyay ay ka socdeen magaalada Garoowe xarunta Puntland oo dagaal Somaliland ka dhan ah lagu hurinayay laguna beegsanayay gobolka Sool kana qayb galeen madax dhaqameed ka soo jeeda gobolka Sool,ayaa ku jawaabay. “gobolka Sool iyo Laascaanoodba waxa ku sugan oo jooga dadkeedii iyo dawladdeedii waana Somaliland,Somalilandna nabad gelyo ayay ku soo caano maashay anna hadda waxaan ku suganahay Laascaanood waxaanan ahay garaadkii gobolka Sool, guud ahaan shicibka labada dalna wax dhibaato ah oo dhex yaalla ma jirto oo habeen iyo maalinba dadku way isu socdaan muranka siyaasadda xukuumaduhuna dalalka wuu dhex mari karaa oo Kiiniya,Jabuuti ama Soomaaliya iyo Somaliland ayuu dhex mari karaa laakiin waa kala laba oo iskuma xdhna muran siyaasadeedka iyo xuduudaha ay dalalku kala leeyihiin Soolna waa Somaliland dalkuna dawlad ayuu leeyahay wixii siyaasad ahna dawladda ayaa nooga masuul oo u igman wixii dhaqan iyo nabadayn ahna madaxdhaqameedka ayaa u jooga,waxaana cad in arrinta gacmo kale ku jiraan oo doonaya in colaad la abuuro laakiin cid kasta oo colaad hurisa iyada ayaa ku baxda, mana qabo in madax dhaqameed colaad ka talinayo hadday jirtana ka jooga ayaanu leenahay.”
Garaadka oo la waydiiyay halka ay marayso nabadayntii labada beelood ee koonfurta gobolka Sool colaaddu ku dhex martay halka ay u marayso,ayaa ku jawaabay. “arrintaasi meel fiican ayay maraysaa dawladda Somaliland iyo madaxdhaqameedkuba umay kala hadhin oo wasiirka arrimaha gudaha iyo guddoomiyaha golaha wakiiladdu maalin keliya kamay maqnaan mudadii wada hadalka iyo nabadaynta aanu ku jirnay xabaalo qodkiina waanu u kala qaadnay wixii go’aamo kasoo baxayna waxaa fullintooda ballan qaaday oo u joogta Xukuumadda,sidii tii Ceel-afweyn ay u soo dhammaatay,ayaan tanna u dhammaynaynaa imika waxaa diyaar ah oo taagan xoolihii Ceel-afweyn lagu kala xukumay,tanna markay xilligeeda gaadho,ayaan u kala qaadaynaa.”ayuu yidhi Garaad Jaamac Garaad Ismaaciil oo u warramayay wargeyska Dawan.