Madaxweyne Biixi Oo Hambalyo U Dirayaa Geesiyaashii Naftooda Iyo Maalkooda U Huray Xornimadda Iyo Madax-Bannaanida Somaliland

Hargaysa (Salaanmedia.com)_ Maanta waa xuskii Geesiyaashii naftooda, maalkooda iyo maskaxdoodaba u soo huray xornimadda iyo madax-bannaanida dalkeena xilliyo kala duwan. Ka soo bilow Halgankii Gobonimo-doonka Daraawiishta, kacdoonkii Culimida, aqoonyahanka, Suugaanleyda, halgankii gobonimo-doonka ahaa ee Axsaabta Siyaasadda, halgankii hubaysnaa ee SNM iyo halganka naftood hurayaasha ilaa maanta naftooda saymaha u galiya difaaca jiidaha hore ee dalka.

MUUSE-BIIXI

Waxaan Alle uga baryahaa in uu ka waraabiyo naxariistii janno inta dhimatay, inta noolna, umadda Somaliland waxa waajib ku ah in ay xurmo, xasuus iyo sharafba u hayaan dhammaan geesiyaashii naftooda u soo huray dalkeena.
Dhammaanteen, shacab weynaha Jamhuuriyadda Somaliland ee xariirta ah iyo Xukuumadba, waa in aan ka qayb-galnaa sugidda iyo qoraalka taariikhda guunka ah marxaladihii isdaba-jooga ahaa ee dalku soo maray, si jiilalka soo socdaa u bartaan sooyaalkeenii nololeed. Taasi waxa ay faa’iido u tahay in faca mustaqbalku ka baydho khaladaadkii aynu soo marnay, kuna tanaado waayo-aragnimaddii aynu ka dhaxalnay iyo in ay yeeshaan han iyo isku kalsooni marka ay arkaan taariikhda faca-wayn ee dalkeena. Waxay wax ka taraysaa isku duubnida iyo wada-jirka Qarankeena. Waxa ay dib innoo xasuusinaysaa halgannadii, barwaaqadii iyo maalmihii adkaa ee aynu soo wada marnay.
Waxaan hambalyo iyo bogaadin u dirayaa ummadda Jamhuuriyadda Somaliland, gaar ahaan geesiyaashii naftooda, maalkooda iyo maskaxdooda u soo huray dalka, ee uu ugu dambeeyey halgankii hubaysnaa ee SNM, maalinta Xuska Shuhadada ee 17 October darteed. Waxaanu u haynaa geesiyaashaa dhammaantood xurmo iyo xusuus aan duugoobayn.

ALLAA MAHAD LEH
Xafiiska Af-hayeenka Madaxweynaha JSL.