Muddo Intee Le’eg Ayuu Qofku Ku Jeclaan Karaa Qof Kale ?

IMG_11C156-4855B6-81D0E7-53F855-DACF2D-5E274A

Khubarrada Sayniska iyo abwaanadda Heesaha qora ayaa isku khilaafay waqtiga uu qofku ku dareemi karo jacaylka
uu qofka kale u qabo,iyaga oo mid waliba soo saaray aragti gaar ah .
Abwaanadda heesaha qora ayaa qaba in qofku jacaylka ku dareemi karo muddo Saqiiqado ah , halka ay khubarradda Sayniskuna qabaan in qofku ku dareemi karo jacaylka uu qofka kale u qaaday muddo ka yar kana dhakhso badan Ilbidhiqsiyo.
Daraasad cusub oo dhowaan la sameeyey ayaa lagu ogaadey in qofka oo soo jiita qofka kale ee uu jeclaanaayo ay ku qaadato in ka yar saddex Ilbidhiqsi , kuwaas oo ka dhakhso badan inta aynu limiqsadaan indheheenu ama baalasheenu, sidoo kale khubarradda Dareenka maskaxda ayaa qaba in uu qofku sareemi karo jacaylka qofka kale uu u qaaday muddo 244 Milliseconds kadib, isaga oo go’aan ka gaadhi kara kadib 59 Milliseconds .
Intii daraasadan lagu jiray waxa tijaabo sameeyey koox Cilmi nafsiga ku takhasustay oo uu hogaaminaayey Professor Klaus Christian Carbon oo ka tirsan jaamacaddaBamberg ee dalka Jarmalka, waxaanu tijaabadaasi ku sameeyey 25 arday oo jaamacaddaasi ka tirsan , kuwaas oo uu tusay ama hor dhigay sawiro dhan 100 sawir.
Natiijadda uu tijaabooyinkan kazoo saaray Professor Carbon oo lagu daabacay wargeyska Neuroscience oo uu kazoo xigtay qormadan wargeyska Dawan ayaa lagu sheegay in uu qofku jeclaan karo qofka kale muddo Ilbidhiqsiyo ah , iyadda oo ay go’aano deg deg ah ka gaadhi karto maskaxdiisu.