Muran Xooggan Oo Ka Dhashay Deeq Lacag Ah Oo Ay Soomaaliya Soo Gaadhsiisay Somaliland + Qaddarka Lacagta Iyo Cidda Gacanta Ku Haysta.

Hargaysa (Salaanmedia.com)_ Dawladda Soomaaliya ayaa waxa ay xukuumadda Somaliland ku wareejisay lacag dhan hal milyan oo doollar taasi oo bilowgii bishan aynu ku jirno ee October la soo gaadhsiiyay Magaalada Hargeysa.

farmaajo-bbc-1-150x150

Lacagtan oo ay ahayd deeq ay dawladda Soomaaliya ugu tallo-gashay inay kaga qayb-qaadato duufaantii Sagar ee dhawaan ku dhufatay gobollada galbeedka Somaliland ayaa waxa ay magaalada Hargeysa soo gaadhay bishan aynu ku jirno bilowgeedii.
Waftigan lacagta sidday waxa hoggaaminayay Sheekh Nuur Baaruud Gurxan oo ka mid ah waxgaradka iyo culimadda waa weyn ee Soomaaliya sidda warar xog-ogaal ahi u sheegeen shabakadda wararka ee Somalilandtoday.
Markii ay lacagtani soo gaadhay magaalada Hargeysa ayaa waxa uu muran ka dhashay cidda lagu wareejinayo waxaana uu is maandhaaf soo kala dhex-galay xukuumadda Somaliland iyo waxgaradka iyo madax-dhaqameedka gobolka Awdal.
Wasiirka diinta iyo awqaafta Somaliland Sheekh Khaliil Cabdillahi Axmed ayaa lagu wareejiyay lacagtii, wali waxa lacagtaasi gacanta ku haya wasiirka sida ay sheegayaan warar xog-ogaal ah oo ay heshay shabakadda Somalilandtoday oo si dhaw ula socotay waftigan lacagta ka keenay Muqdisho.
Waxgaradka iyo madax-dhaqameedka gobolka Awdal oo magaalada Hargeysa u yimid in lacagtan lagu wareejiyo si ay gaadhsiiyaan dadkii ay waxyeeladu ka soo gaadhay duufaantii Sagar ayaa ka cadhooday tallaabadan waxaanay taasi sii xoojisay is marin waagii u dhexeeyay iyaga iyo xukuumadda Somaliland taasi oo dhalisay in lagu kala kaco shirar u socday oo la doonayay in lagu xaliyo arrintan.
Waxgaradka gobolka Awdal ayaa waxa ay ku doodayaan in aanay jirin kalsooni buuxda oo ay ku qabaan xukuumadda Somaliland in lacagtani ay gaadhsiin doonto dadkii loogu tallo-galay ee ay saamaysay duufaantii Sagar.
Dadkii ay ku saamaysay duufaantii Sagar ayaa hore waxa ay eedaymo ugu jeediyeen xukuumadda Somaliland oo ay ku eedeeyeen inay ka gaabisay inay gargaar ku filan gaadhsiiso deeganadii ay ku dhufatay Duufaantu iyo in la musuq-maasuqday lacago deeq ah oo loogu soo dhiibay.
Xamse Maxamed Iiman
Hamzeiiman123@gmail.com