SIDEE BAANU ISKU SOO GALNAY M/WEYNE BIXI…. MA ANIGAA DOONTAY MISE ISAGAA I SOO DOONTAY!!!!

Hargaysa (Salaanmedia.com)_ Gabayga Doqon-dila ee uu tiriyay Jamaal Cali Xuseen, wuxu i xasuusiyay sidii aanu isku soo galay m/weynaha; iyadoo xaaladdiisu adag tahay oo ay eryanayaan wasiirkii maaliyadda iyo kii madaxtooyada ayuu maalin maalin maalmaha ka mid ah iga soo wacay telefanka; waa markii u horryasay ee aan telefan ka wada hadallo; maxaa yeelay waxaba fara ku tiris ahaa inta jeer ee aanu fool ka fool u wada hadalay; ku ye waa Muse, dee telefonkaagii ayaa igu noqday xaar mas, wuxu leeyahay lama heli karo ama wuu xidhan yahay; waan kuu baahnaa, ma is arki karnaa;

cabdi cali

anna haa idhi; ku ye halkaad tidhaa iigu kaalay anigaa kuugu imanaya; anna idhi mayee anigaa kuu imanaya guddoomiye; waayahay ee habeen danbe guriga iigu kaalay; u tegay; si fiican ayuu ii soo dhaweeyay; ku ye waxan rabay in aad ila shaqayso; rajadayduna ma xuma immika oo arrinkii wuu is qor-qorayaa; garoo waa Gudoomiyanimadii laga hortaagnaa; aniguna ka aqbalay in aanan waxba ka la hadhin; waxa kale oo uu iiga mahad celiyay in aan difaacay isaga mar Siilaanyo noo yeedhay; runtiina isagaan la jiray xagga niyadda marka horeba; waana arrinta uu soo xansaday; ee uu iigu yeedhay; wuxu markiiba telefan u diray Mubarak; wuxu ku yidhi waxa ila joogaa Professorkii (maalmihi guushu soo dhawaatay, professor iyo waxaasi may jirin), isaguna wuxu ugu jawaabay waa macallinkaygii; ku ye, dee waa aqoonyahankiinii , waxan rabaa in aad wada shaqaysaan; waa kan ee la hadal; haa waar Mubaarik ii warran iyo kheyr iyo xaggee isagu nimaaadan iyo halkaas iyo habeenkaas, isu nimi, haba ka qaban!!! dee waa tii la ogaa!!!
Doqonkaad daryeeshee
intuu docdaadii
gacan dabacsan soo biday,
adna aad dadaalkii
waxaad duunyo haysay,
darkii iyo wadaantii
daacadnimo ku siisee,
dabadeed ka sii daray;
markii u dibirayee,
doogii iyo xareedii,
xoolhiina daaqsaday;
daryeel kale ha joogee,
dardartii iyo awoodii
inuu iigu dul tuuroo,
iigu daro qaniinyana,
damiirkiisu siiye,
danbigaasi iga galay!!!