Siyaasaddii Geeska Oo Waa’ Kale U Baryay, Wasiirrada Arimaha Dibadda Dalalka Itoobiya Iyo Eriteriya Oo Shalay Booqday Soomaaliya + Ciidamado Isku Dhafan Oo Ay Samaysanayaan

Hargaysa (Salaanmedia.com)_ Waxa Shalay gaadhay Magaalada Muqdisho ee Caasimadda Dalka Soomaaliya wafdi ka socda Dowladaha Eritrea iyo Ethiopia, waxaana si weyn u soo dhaweeyay Wasiiro ka tirsan xukuumadda Federaalka Soomaaliya iyo mas’uuliyiin kale.

sxbo

Waftiga ka kala socda dowladaha Eritrea iyo Ethiopia ayaa waxaa hoggaaminaayay Wasiirada Arrimaha Dibada labada dal Ethiopia Dr. Workneh Gebeyehu iyo Wasiirka Arrimaha Dibada Ertriea Cusmaan Saalax. Ammaanka Magalada Muqdisho ayaa Shalay aad loo adkeeyay, waxana la xidhay inta badan Wadooyinka waaweyn ee Magaalada Muqdisho, waxana waftigaasi kulamo la qaateen Madaxda Dowladda Soomaaliya iyagoo arimo badan kala hadlay.

Booqashadani waxay qayb ka tahay iskaashiga dibloomaasiyadeed ee u dhexeeya saddexda dal iyo wadahadallada muddooyinkii danbe socday kaddib heshiiskii saddex geesoodka ahaa ee saddexda hoggaamiye ku dhexmaray Magaalada Asmara, bishii Sebteembar, 2018. Intii booqashadu socotey, Wasiirrada waxaa qaabbilay Wasiirka Arrimaha Dibedda Soomaaliya, waxayna salaan ugu tageen Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo,kuwaas oo salaan uga siday Madaxweyne Isaias Afwerki iyo Ra’iisul Wasaare Abiy AhmEd. Sidoo kale Wasiirada waxay wadahadallo la yeesheen Ra’iiaul wasaare Xasan Cali Khayre.

Intii ay wadahadalladu socdeen, hoggaamiyeyaashu waxay isla soo qaadeen heshiiskii saddex-geesoodka ahaa ee dhigayey in la iska kaashado dhinacyada dhaqaalaha, siyaasadda iyo amniga, waxayna dib u xaqiijiyeen sida ay uga go’an tahay inay si wadajir ah uga shaqeeyaan nabadda, xasilloonida iyo horumarka Geeska Afrika. Waftigan ayaa sida la sheegay waxay gogol xaadh u yihiin Madaxweynayaasha Dalalka Erateriya iyo Itoobiya oo dhawaan iyaguna safar ku iman doona Magaalada Muqdisho.

Illo-Wareedyo lagu kalsoon yahay oo Wargeyska Foore helay oo ay baahisay Shabakada Jstor.com ayaa daaha ka rogay in Dawladdaha Itoobiya iyo Erateriya ay abaabulayaan inay samaystaan Ciidamo isku dhafan oo milatari ah oo marka hore saddexdan dalka ka koobnaada kuwaasi oo ay soo curiyeen Dawlaha Itoobiya iyo Erateriya, islamarkaana ay fikirkeeda hortiiba isla qaateen. Ciidamadan ayaa sida wararku nagu soo gaadheen tiro ahaan ka koobnaanaya Boqol iyo Konton kun oo Askari, waxaana dal walba laga doonayaa sida warbixin aanu helnay ay daaha ka rogtay tiro isleeg. Lama garanayo ujeedada dhabta ah ee ka dambaysa abuuritaanka Ciidankan balse Warbixintan aanu helnay ayaa intaasi ku dartay in Ciidamadaasi ay ujeedadeedu noqon doonto mid danaha wadamadaasi lagu ilaalinayo,islamarkaana maamulistiisa ay wada yeelanayaan Wadamadaasi.

Majirto door muuqda oo ay Somaliland Ku leedahay dhaq dhaqaaqqa geeska Africa gaar ahaan Wadamadda La jaar ka ah ka socda,lamanayo garanayo saamaynta ay ku yeelan karaan haddii ay dhabawdo Ciidanka isku dhafka ah ee ay Dawladdahaasi samaysanayaan ee ay waliba qaybta ka tahay Dawladda Soomaaliya oo ay cadaawad Xumi ka dhaxayso Somaliland.