Soomaaliya Oo Taageero U Muujisay Sacuudiga Wacad-na Ku Martey Inay Is Garab Taageyso + [ Sababta ]

Muqdisho (Salaanmedia.com)_ Xukuumadda Soomaaliya ayaa
taageero u muujisay dowladda Sacuudiga ayada oo sheegtay inay ku garab istaageyso ilaalinta danaheeda dhaqaale.

AA3A6C13-1949-4453-B639-246212DF86E2_cx0_cy7_cw0_w1023_r1_s

Qoraal kasoo baxay wasaaradda arrimaha dibedda Soomaaliya ayaa lagu yiri “Waxa ay soo cusbooneysiineysaa mowqifkeeda aan ka laba-labeynta laheyn ee ay ku taageereyso xasilloonida iyo qaranimada dowlahada carabta, Waxaanay shaacineysaa in ay si buuxda u garab-taagan tahay dalka Boqortooyada Sacuudiga ee aannu walaalaha nahay”
Qoraalka ayaa intaas ku daray “Waxaan isgarab-taag uga muujineyna cid walba oo isku dayda in ay wax u dhinto oo ay xumeyso dhibna gaarsiiso kaalinteeda iyo danaheeda dhaqaale”
Soomaaliya ayaa sidoo kale sheegtay “In ay adkeyneyso lagama-maarmaannimada in laga fogaado dhagarta iyo ololaha ujeeddeysan ee lagu bartilmaameedsanayo Sacuudiga”
Dowladda Soomaaliya ayaa horey Sacuudiga taageero ugu muujisay marar ay is-qabteen dalalka Sweden, Iran iyo dalka Canada oo ugu dambeeyey.
Taageeradan cusub ayaa imaneysa xilli Sacuudiga ay wajahayaan cadaadis caalami ah iyo toddobaad kadib markii ra’iisul wasaare Xasan Cali Kheyre uu boqoday magaalada Riyadh oo uu kula kulmay madaxda dalkaas.