WAR DEG DEG AH:- MAAYARKII CUSBAA EE MAANTA LA DOORTAY OO XABSIGA LOO TAXAABAY.

Hargaysa (Salaanmedia.com)_ -Xukuumada somaliland ayaa goor dhawayd xabsiga dhigtay maayarkii ay maanta doorteen dadweynaha degmooyinka Maxamuud Haybe iyo Maxamed Mooge iyo caaqil ka mid ahaa dadkii soo abaabulay munaasibadii lagu doortay.

breaking news_1521898157229.jpg_81950761_ver1.0_640_480

sida ay Sheegayaan wararka ay helayso shabakada Caalamiga ah ee Salaanmedia.com ciidamada amaanka oo amar adag la soo faray ayaa goor dhawayd xabsiga dhigay caaqil Xasan Ibraahin Xuseen Xirsi oo ka mid ahaa wax garadkii soo abaabulay munaasibadii ay dadweynaha degmooyinka Maxamuud Haybe
iyo Maxamed Mooge ku doorteen maayarka cusub.
sidoo kale ciidamada amaanka oo ilaa maanta ku daba jiray maayarka ay degmooyinkaasi doorteen ayaa ugu dambayn goor dhawayd gacanta ku dhigay maayarka cusub ee degmooyinkaasi Xuseen Shabeel, kaas oo ilaa haatan aan si rasmi ah loo shaacin halka lagu xidhay.
sidoo kale warar ay helayso Salaanmedia.com
ayaa sheegaya inay jiraan dad kale oo la xidhay, kuwaas oo lala xidhiidhinayo dhacdadii maanta lagu doortay maayarka degmooyinka Maxamuud Haybe iyo Maxamed Mooge, kuwaas oo ilaa hada aan la sugin tiradooda rasmiga ah.
iyada oo dadweynaha degmada Axmed Dhagax ay hormood u ahaayeen kacdoono lagaga soo horjeedo maayarka magaalada Hargeysa, ayey degmooyinka Maxamuud Haybe iyo Maxamed Mooge ku dhiiradeen inay doortaan maayar degmooyinkaasi maamula balse dad badan ayaa is waydiinaya sababta loo bartilmaameedsanayo xubnahan la xidhay oo ka soo jeeda beelaha Garxajis.