Xukunka Axmed Cadib waa mid siyaasadaysan oo xaqdaro ah

IMG-20181010-WA0067

Waxaa bilawgii bishii 6aad laga afduubay Muj Axmed Xuseen Maxamed oo layqaan Axmed Cadib isagoo safar ugu soo baxay hargaysa
Waxa uu afduubkaa ku xidhnaa mudo afar bilood ah iyadoo xataa aan la garanayan waxa lagu soo xidhay, waxaa loola dhaqnay sida dadka lagu eedeeyo waxa loo yaqaan argagixisada waxaa loo diiday xataa in la booqdo oo qaraabadiisu arkaaan taasoo ka hor imanaysa dastuurka aynu afka ka sheegano inaynu leenahay balse la jebiyo maalintii boqol jeer
Isla markaana aanay jirin cid ilaalintiisa utaagan.
Axmed wuxuu ahaa halgamaa xiligii wadanka laga xoreeynayay dawladii dhexe ee soomaliya taas oo lagula dagaalanay inay ku xadgudubtay dadweynahii ay maamulaysay,waxaase layaab leh in uu kala kulmay tan maanta joogta wixii uu xiligaa ka dagaalanay inkastoo oo uu taas kala simanyahay dad badan oo reer Somaliland ah oo sidaas oo kale laysaga xidho looguna xagudbo iyadoo wax denbi ah oo ay galeen aanu jirin marka laga reebo
Waxa ay aaminsan.
Waxaa hadaba yaableh kadib afduubkaa soo maray marxaladaha kala duwan waxaa lagu xukunay 10 sano oo maxkamad ciidan ku riday
Waxaase kasii cajiibsan maba ahayn ciiidan shaqeeya iyo mid kayd ah toona wuxuu na ka tegay mudo aan dhowyen.
sida garyaqanadu sheegeen
Waxaa loo cuskaday xeerkii ciqaabta Somalaya oo aynu iska kala tagnay beri hore
(Ilaahow haa iyo maya meel hangaga wada yeedhsiin)
Ugu danbayntii anoo maqaalo iyo muuqaalba arintan kaga hadli doona inashaa alah waxaan ugu baaqayaa in sideg deg ah xoriyadiisa loogu soo celiyo.
Muwaadinkaa.

Iman Maxamed Ciise
London UK