Salaan Media - Warbaahin Dhex-dhexaad ah

Agoontii Aabaha lahayd ( Xayyir & Xabiiba )..Nov 30.18

Agoontii Aabaha lahayd ( Xayyir & Xabiiba )..Nov 30.18
———————————————————————8F707DD6-A966-48F0-9E5C-F268E078424A

Xabiiba waa Hooyada Qoys sabool ah oo ka kooban toban caruur ah , afar caruurta ka mid ahi waxay dhigtaan Dugsiyada Hoose / Dhexe , Sare , laba ka mid ahina waxay dhigtaan Jaamacadaha , halka inta kale ay isugu jiraan kuwo guriga jooga iyo kuwo malcaamadaha Qur,aanka taga ,

Hooyo Xabiiba iyadaa daboosha dhammaan nolosha Qoyskeeda , sida Caafimaadka , Raashinka , labiska , waxbarashada , Kirada guriga , laydha , iyo Biyaha , mana haysato cid iyo ciirsi kale oo ka caawisa noloshaa adag ee ay kujirto , si kasta oo ay udaasho , ubur-burto , uxanuunsato , ugaajooto , uharaado , uhurda beesho , hadana ma Quusato nafteedana ma dareento ,

Hooyo Xabiiba waxay kacdaa eedaanka hore ee daakiraada subaxa , waxay aadaa suuqa hoose halkaas oo ay ku iibiso waxoogaa khudaar ah oo ay ka hesho Masaariif , habeenkiina waxay timaadaa guriga goor danbe iyadoo kabna lulaysa kabna laalaa-dinaysa , Hooyo Xabiiba si kasta oo xaaladu ugu adkaato hadana waxay ku dadaashaa in caruurteedu marnaba aanay ka nolol hoosayn ubadka dhiggooda ah ee ay saaxiibada yihiin , waxaanay usamaysaa wax kasta oo Niyada iyo Nafta caruurteeda ay ku dhisayso xitaa hadii ay kalifayso in ay dayn usoo qaado ,

Hooyo Xabiiba iyadoo la baaxaa-dagaysa daruuriyaadka nolosha ayay hadana caruurteedu ” ileen nimaad dhashay kuma dhaline ” waydiisataan dheeraadka iyo baahiyaha waqtigu abuuray sida Laptop , Mobilo Qaaliya , Saacado , Tv , Data internet , Kiriimo , iyo kolba wixii cusub ee socda , Hooyo Xabiiba iyadoo caloosha ka damqanaysa isla markaana og xaaladeeda dhaqaale ayay hadana iyadoo qarsanaysa oo is leh caruurdaadu yaanay dareemin baahi iyo bahh-dilaad ayay ubaadi doontaa wixii ay codsadeen waanay ukeentaa Amaah iyo Abaal midkay doonto haku soo heshee ,

Dhanka kale Hooyo Xabiiba waa waalidka kaliya ee la xidhiidha Maamulayaasha ischool-ada iyo malcaamadaha marka loo baahdo Waalid , sidoo kale waa Qofka kaliya ee ku war-wara xill-na iska saarta in caruurtu duruustii loo soo dhigay ay dib u akhriyaan iyo waliba in ay guriga goor hore usoo hoydeen ,

Waxaa intaa u raaca hadii caruurta wax la yeelo ama iyagu cid ay wax yeelaan oo dhibi kala gaadho caruur kale , Hooyo Xabiiba waa Qofka kaliya ee lagala xaajoodo waxaa dhacay , Waxaa kasii daran marka tolka ay ku timaado waxa looyaqaano Maggta oo ah gashi iyo Qaan shuraako lagu yahay , bixinteedana lagu Qasbanyahay Hooyo Xabiiba iyadaa maggta ka bixisa Odaygeeda iyo caruurteedaba ,

Hada ila socoo caruurtan ay Hooyo Xabiiba la balan-balayso ee Karin iyo kabba ay uwayday maaha agoon aabahood dhintay , Xabiibana maaha gabadh agoon ah oo laga dhintay oo sida Assay iyo Hengaf !!!! , reerku wuxuu leeyahay Aabe iyo Oday xoog ah , caafimaad qaba , marka uu soconayo iyo marka uu hadlayaba aad uga tudhayso cidda agjoogta , Magaciisana la yidhaahdo Xayyir ,

Xayyir waa kuma
—————————

Xayyir Maalintiisu waa Hurdo , Habeenkiisu waa saama-layl iyo soojeed , waxba kuma aha haduu doono in uu reerka usoo dhaco goor danbe sida tuuga oo kale , halka mararka qaarna uu iskaba dhaxo intuu doono , Maalmaha qaarna Hurdadiisa wuxuu ka dhigaaba mid isugu bixis ah oo cuntada uun loo kiciyo kadibna uu dib usii cammirto hurdada ilaa labo cisho uu ka jiifo ,

Xayyir waa Qaad-qamax , waqtiga Qudha ee aanu ilaawin kuna safaadini waa xilliga Qaadka , wuxuu iska leeyahay marfishyo iyo maqaaxiyo uu caan ka yahay oo aanu mar qudha gafin , Shaqada kaliya ee Xayyir uu xariifka ku yahay waa Qabyaalada , Qaadka , Qaxwaha , Qiiqa sigaarka , Qoolaaliga Dumarka , iyo Qiirada Siyaasada ,

Xayyir mayaqaano ischoolada iyo malcaamadaha ay dhigtaan caruurtiisu , mararka qaarna waxaabu isku khaldaa Magacyada caruurta , Axmed-yare oo ka mid ah caruurtiisa ayaa Maalin Hurdada ka toosiyay aabihii Xayyir Oo ku yidhi Aabo Maamulihii ayaa ku doonaaya , schoolkiina waa layga soo eryay , wixii Qabsaday Axmed-yare waa la ogaa , Suffurkii (koobkii) uu Xayyir kusoo tuuray yarka illaahay ayuunbaa madaxa uga duway,

Hooyo Xabiiba ayaa kaxaysay Axmed-yare laakiin Maamulihii kumuu Qancin waxaanu ku yidhi mee aabihii ayaan udiraye , Hooyo Xabiiba oo Ciil iyo Cadho hadlaysa ayaa Maamulihii ku tidhi hadal Murti iyo Maah-maah leh oo noqday Halku dhiga Maqaalkeenan oo ah ” Waa Agoon aabo lehe ” maxaad ubaahantahay Maamule ,

Hooyo Xabiiba waligeed nolosheeda hal mar ayay tidhaahdaa Axxxxx , waa marka Xayyir isagoo budh wayn sita uu soo dul istaago Xabiiba kuna yidhaahdo ” naa nasi wax aanu laba mijood oo Jaad / Qaad ah meelahaa kaga sii iibsano ” Xabiiba iyadoo Caloosha aad uga gubanaysa hoosna u leh Axxxx , Axxxx , hareerahana iska eegaysa si aan loo maqal ayay gacanta galisaa jawaanka agteeda yaala ee ay ku riday shilimadii ay ka uruurisay yaan-yada , kadibna bidixda ayay ugu dhiibtaa Xayyir wixii ay ka hesho iyadoo dhibsanaysa ,

Akhriste Qisadani waa Hummaag iyo Hilaad , Sawir iyo Saadaal aan ka diyaariyay waaqaca dhabta ah ee ay la noolyihiin Hooyooyinkeen macaan , iyo waliba silica iyo saxariirka nololeed ee haysta marka uu Calafku ka xumaado , Hooyo Xabiibana waxay la mid tahay uun dhibta maalin laha ah ee ay la kulmaan Hooyooyinka kale ee ku dayacan suuqyada iyagoo la kifaaxaaya nolol maalmeedka caruurtooda ,

Ugu danbayn Hadii Waqtiga iyo Waayaha , Nafta iyo Noloshu ii saamaxaan waxaan ka Qori doonaa dhacdooyinkaa nololeed ee la darsa Hooyooyinka lagu dayacay ubadka Dhigane aan ugu magac daro ” Agoontii Aabaha lahayd ”

Sharmaarke Wacays

Please follow and like us: