Ciidamadda Dawlad Soomalida Itoobiya Deeq U Qaybiyay Barakacayaasha Dagaalkii Dhawaan Ka Dhacay Konfurta Laascaanood + [ Sawiro ]

Laascaanood (Salaanmedia.com)_ Ciidamadda Booliska Deegaanka Soomaalida Itoobiya ayaa kaalmo u qaybiyay dadkii ku barakacay dagaal Beeleedkii dhawaan ka dhacay deegaanka Dhumay ee gobolka Sool, deeqahan oo isugu jiray, Bustayaasha dhaxanta, Gogol, Rashiin iyo cuntooyin kale

c3-678x381

Dadka Caawimada loo qaybiyay ayaa ku sugan magaalooyinka Dharkayn Geenyo iyo Saax-dheer oo xadka ku yaalla.

Caawimadan ayaa waxa bixiyay madaxweynaha Deegaanka Soomaalida Itoobiya Mustafe Cagjar. Geesta kale wuxuu Madaxweyne Mustafe Cagjar soo diray Ciidamo suga ammaanka oo ku sugan degaanka ay ku dagalameen Beelihii walaalaha aha ee Baharsame iyo Qayaad.

c2-678x381

c1-678x381

c4-678x381