Salaan Media - Warbaahin Dhex-dhexaad ah

Daawo Sawirada:- Qaabkii Madaxweyne Muuse Biixi Loogu Soo Dhaweeyey Magaalada Laascaanood

Laascaanood (Salaanmedia.com)_ Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi iyo wefti uu hoggaaminayo oo maalmahan safarro shaqo ku marayey gobollo kamid ah dalka, ayaa maanta si ballaadhan loogu soo dhaweeyey magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool.

46510472_1914718798641964_3230735302687457280_n

46795575_1914720445308466_1700048811394596864_n

Qaybaha kala duwan ee shacabka magaalada Laascaanood oo isugu jira, gaaraaddo, xildhibaanno, siyaasiyiin, aqoonyahan, haween, dhallinyaro iyo waxgarad oo ay hormood u yihiin madaxda gobolka iyo degmada, isla markaana calanka Jamhuuriyadda Somaliland iyo caleemo qoyan lulaya, ayaa madaxweynaha iyo weftigiisa kaga hortegay kaga hortegay dhinaca galbeed ee magaalada, waxana ay u galbiyeen gudaha magaalada Laascaanood.

Garaad Jaamac Garaad Ismaaciil oo kamid ah garaaddada ugu magaca iyo maamuuska weyn gobolka Sool oo isaguna halkaas ka hadlay oo ugu horrayn la hadlay shacabka reer Laascaanood ee madaxweynaha iyo weftigiisa soo dhaweeyey, ayaa si mug leh ugu mahadnaqay bulshada ku dhaqan magaalada Laascaanood iyo maamulka gobolka iyo ka degmada, waxana uu shacabka kula dardaarmay inay xoojiyaan ammaanka iyo nabadda.

46517045_1914720078641836_7436065707801968640_n

46516061_1914719918641852_7538462723185573888_n

46685375_1914719748641869_5898274206730158080_n

46722214_1914719538641890_5229876333676331008_n

46525950_1914719461975231_347760044508446720_n

46855640_1914719295308581_1402446734998634496_n

46519607_1914718368642007_4884949296840966144_n

46521408_1914718575308653_6992467178935025664_n

46519803_1914718145308696_2768796941344047104_n

46885269_1914718091975368_2461341849193807872_n

46720545_1914717961975381_5878155428864458752_n

46518811_1914717721975405_8910770783609946112_n

Please follow and like us: