Dawlada Iran oo shaacisay War ka nixiyey dowladaha Maraykanka iyo Israel (Daawo Sawirro)..Nov 04.18

Dowlada Iiraan ayaa sheegtay inay bilowday in dalkeeda ay ku sameysato diyaaradaha dagaalka si ay adeegsadaan ciidammada militariga dalkeeda.

Wasiirka difaaca Iiraan, Amiir Xatemi oo ka hadlayay munaasabad ka dhacday dalkaasi, ayaa sheegay in tallaabadani ay muujineyso awoodaha Iiraan ay u leedahay inay kaga maaranto quwadaha caalamka.

“Inkastoo ay jiraan cunaqabatayna uu na saaray cadawga haddana awood ayaanu leenahay” ayuu yiri Amiir Xatemi.

Saraakiil ka tirsan dowladda Iiraan ayaa Raadiyaha qaranka u sheegay in diyaaraaddii dagaalka ay soo bandhigeen bishii Agosto lagu sameeyay gudaha Iiraan.

Khuburrada militariga waxay rumeysan yihiin in diyaaradda ay Iiraan sameysatay ay lamid tahay naqshadda diyaaradda dagaalka ee Mareykanka ee F-5.

Dowladaha Maraykanka iyo Yuhuuda ayaa la sheegay iney xasaasiyad ka qaadeen warka Iran oo ah cadowgooda ugu weyn inkastoo aysan mkaa hadlin illaa hadda.

Iiraan ayaa dooneyso iney ka maaranto diyaaradaha muddada dheer ay isticmaaleysay ee lagu soo sameeyay Ruushka iyo Mareykanka.