Salaan Media - Warbaahin Dhex-dhexaad ah

EX WASIIR MAXAMUUD XAASHI OO SAFAR DEEGAANADA BARIGA AH GARAB ERYAYA MADAXWEYNE MUUSE IYO UJEEDOOYINKA UU KA LEEYAHAY

Ceel Afweyn (Salaanmedia.com)_ Maxamuud Xaashi Cabdi oo ahaa Wasiirkii awooda badnaa ee madaxtooyada xukuumadii Axmed Siilaanyo ayaa socdaal ku gaadhay magaalada Ceel Afweyn oo ka tirsan gobolka Sanaag.
Siyaasi Maxamuud Xaashi oo aan wali shaacin inuu ka hadhay hankiisii siyaasadeed ee la xidhiidhay hogaaminta xisbiga Kulmiye ayaa safarkiisani waxa uu muuqdaa mid uu barbar eryayo madaxweyne Muuse Biixi oo isaguna safar ku jooga magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool.

Siyaasi Maxamuud Xaashi ayaa doonaya in madaxweyne Muuse Biixi ku wareejiyo hogaaminta xisbiga Kulmiye ayaa safarkiisani waxa laga dareemayaa ololaha uu ugu jiro inuu kursigaasi helo, isaga oo haatana Ceel Afweyn iyo Burco oo uu safarkiisa ku

sii maray kulamo kula yeelanaya waxgaradka beesha uu ka soo jeedo, kuwaas oo uu ka dalbanayo inay kala hawl galaan sidii uu u heli lahaa kursiga gudoomiyaha xisbiga Kulmiye.
Siyaasi Maxamuud Xaashi ayaa safarka uu ku tagay Ceel Afweyn waxa uu u yeelay waji kale oo uu ku tilmaamay mid uu kaga qayb galo sidii loo soo adkayn lahaa heshiiskii nabadeed ee la dhex dhigay beelaha wada dega deegaankaasi, balse waxa xusid mudan inaanu shaacin safarkii uu ku tagay magaalada Burco isaga oo ka kicitimay magaalada Hargeysa, safarkaas oo ku beegnaa wakhtigii uu madaxweyne Muuse Biixi ku sii jeeday isla magaalada Burco.
Siyaasi Maxamuud Xaashi oo ka war bixinaya safarkiisan ayaa waxa uu ku tilmaamay sidan:-
waxaan soo gaadhay magaaladda ceel-afweyn ee gobolka Sanaag, waxaan aad iyo aad ugu mahad celinayaa Salaadiinta,waxgaradka culimdda,dhalinyaradda iyo xildhibaanadda heer qaran iyo heer dagmo ee igu soo dhaweeyay magaaladan ceel-afweyn.
intaa kadib waxaan jecelahay inaan ka hadlo xaaladda magaaladda ceel-afweyn gogoshii ballaadhnayd ee halkan la dhigay waxa ka danbeeyay laba dhacdo oo fool-xun oo dhaawac ku ahaa yuhuuntii iyo yididiiladii bulshadu halkan ka qabtay,sidaa darteed waxa lagama-maarmaan ah in shacab iyo xukuumad-ba gacmaha lays-qabsado nabaddana laga wada shaqeeyo.
Xukuumadda Madaxweyne Muuse Biixi iyo xukuumadii horaba dadaal iyo juhdi weyn ayay nabadda halkan geliyeen illaahay baa qadaray inay soo af-jarmi weydo, maal,maskax iyo muruq badan ayaa lagu bixiyay nabadaynta beelahan ceel-afweyn.
Dadkaa walaalaha ah ee ib-layska iyo in aqoon-xumi fidnadaa dhex dhigeen,waa dad gob-ah oo dhaqan wadaag leh,waa dad caws iyo ceel wadaagga waa dad ka caana qomiyadda soomaaliyeed dhulkeeda oo dhan oo naanays iyo hal-ku dhigyo gaara leh (Habar-lamaan) ayaaba la yidhaahdaa waxa waajiba in wixii dhacay wax laga qabto lagana hor-tago dhibaato kale.

Please follow and like us: