“Isagaa Account Gooniya Usamaystay Lacaga IOM, Isla Isagaa Jeebkiisa Ku Soo Dhacdaa…” Khadar Sheekh Cali Jawhar Oo U Jawaabay Cabdikariin Xinif

Hargaysa (Salaanmedia.com)_ Guddoomiye ku-xigeenkii hay’adda qaxoontiga iyo barakacaayasha Somaliland Khadar Sheekh Cali Jawhar ayaa jawaab adag ka bixiyay eedaymo ugu yimid guddoomiye Cabdikariin Xinif.

KHADAR-CALI-JAWHAR-1

Khadar Sheekh Cali Jawhar ayaa sidoo kale waxa uu eedaymo musuq-maasuq u soo jeediyay guddoomiye Cabdikariin Xinif.
Halkan hoose ka akhriso qoraal kooban soo dhigay barta uu ku leeyahay facebooka oo kaga hadlay arrimahaasi:
“Gudoomiye xinif wuxuu saxaafada lasoo waa caadadii lamana yaabayo waayo somalidu waxay tidhaa bahal qaydhin madaayo laba wajiilenimaduna waa dhawankiisa 9 bilood een xilka hayay isku xafiis maanu fadhiisan jirin anigu waxan fadhiisanayay xafiiskii hore ee wasaarada dib udajinta isaguna wuxuu fadhiisanay fooqan imigiration ka agtiisa shaqada aan iman waayay ee sheegayo ma wuxuu doonayay xafiiskiisa inaa iska soo xaadiriyo shaqada uu leehay qaybaan udhiibay ilaahay been usheegay shaqo iska daaye shaanbadii ku xigeenka in la sameeyo daalbuu ka galay. Lacagaha mushaarka midna waa mushaarkii dawlada midana lacagaha UN iyo UK- AID ay nasiiyaan isagaa account gooniya usamaystay lacaga IOM isla isagaa jeebkiisa ku soo dhacdaa. Takale tan uu leeyahay warqada waa lasiiyay ma diidani balse anigu waxan diiday sobobta magacayga loo qariyay
Insha allah musuqmaasuqa oo ku kacay xinif iyo qabyaalada uudhaqan ka dhigtay saxaafada ayaan soo bandhigayaa”